WAJAALE NEWS

Wasaarada Waxbarshada Somaliland Xaaladeedu Waa Sidee Sedex Sano Kadib Hoos U dhac Intee Leeg Ayaa Kuyimid?faalo

Wasaarada waxbarashada Somaliland oo ah wasaraada ugu balaadhan dalka amaba 70% dalka wada gadhay ayaa marka kaliya kuyimid hoos u dhac lamafilaan oo kudhow in ay xidhmaan iskulo badan.

HARGEISA WAJAALENEWS Xusbiga kulmiye ayaa ololihii ku galay inuu waxbarashada dawladu maamusho ee assaasiga ah bilaash kadhigayo hadalkaas ololaha ay ku galeen  oo ahaa   mid aan qorshe iyo macluumaad  midna aan ku dhisnayn  balse ahaa laab lakac sobobta oo ah wax xoga kamay hayn xaalda dhabta ah ee ay ku sugnayd waxbarashadu guud ahaan iyo gaar ahaan dugsiyada dawladu maamusho. Waxa kaliya ee ay hayeen waxa u haa musharka ay qaataan macalimiinntu ,hadana sidaas oo ay tahay maxaa ka dhashay?

markii ay xukuumadu ku dhawaaqday in waxbarashada assigii ay tahay bilaash? Isla markiiba waxa soo baxay arin khatar ah oo sobobi gaadhay in markali ah ay xidhmaan dugsiyada hoose dhexe , waxa se inoo gurmaday hayadaha UNKa iyo kuwo kale oo waxbarashada inagala shaqeeya ,waxa soo baxay in macalimiinta dugsiyada hoose/dhexe wax ka dhigayay badankoodu aanay mushar kaqaadan jirin dawlada kuwasoo hayadihii soo gurmaday ay boqol boqol doolar u qoreen ,waxa sidoo kale soo baxday  in nadaafada iskuulka, biyaha  iyo gabadha xaadhaba  mushaarkooda laga bixin jiray lacagta yare  ee ardayda laga qaado ardayda, waxa sidoo kale lacagtaas ay dabooli jirtay dayactirka hadii kursi jabo iyo stationeryga xafiiska maamulaha, waxaas oo mushkilad ah  ayaa markaliya la darsay waxbarashadii asssiga  ahyd.xaalada ay ku suganyhiin dugsiyada hoose/dhexe ee wadanku, maxaa sobobay in laga hadli waayo masiibada maamul xumo ee ay ku sugantahay wasaaradii dalka ugu muhiimsnayd ee soo saarasay jiilkii dalka usoo kacayay?  Markii ay xaaladu sidaas noqotay maxaa laga qabtay ? sedex sano kadib waa sidee maamulka wasaardu? Xaalad noocee ah  ayay kunoolyihiin macalimiinta wax ka dhiga dusiyada asaasiga ah ee dawlada hoos tagaa xiligii UDUB  lyo imika midkeebay macalimiinta noloshoodu fiicantahay, waa sidee tayada waxbarashadu?  Jawaabaha suaalahan iyo macluumaad badan oo xiiso badan oo ay soo ururiyeen  bahda wajaale newsa ayaa si joogto ama taxane ah akhristayaashu ugala socondoonaan arimahan oo dhan

Arimahan oo dhan ayaynu isku waydiindoonaa qoraaladeenan inagoo si qotodheer u falaqayndoona dhibta , musuqa, eexda, hantiboobka dulhoganaya wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.,’

HADABA QORAALADAN OO TAXANE AH KALA SOCO WAJAALENEWS OO U KUUR GASHAY XAALADA DHABTA AH EE AY KUSUGAN TAHAY WASARADII WAXBARASHADA EE DALKU

WAJAALENEWS.COM DESK

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version