Arrintani waxay walaac gelisay hey’adaha nabadsugidda oo sheegay inay dhici karto in moobillada noocaas ah loo adeegsado wada xidhiidhka falalka argagixisnnimada, sidaasi awgeedna ay khatar ku yihiin nabadgelyada. Booliska Kenya waxay shirar iyo wax weydiin la yeesheen madaxda sharikadaha isgaadhsiinta afar ka tirsan oo ah kuwa telifoonnada moobillada,ay bulshada reer Kenya isticmaalan.
Arrintani waxay ka danbaysay warbixinno lagu xusay in moobillo aan diiwaabgashanayn loo adeegsaday weerarradii xarunta Wesgate oo ay adeegsadeen islaamiyiintii weerarkaas geystey. Waxana boolisku ugu hanjabay maareeyayaashaasi afarta sharikadood inay dhici karto in loo soo jaro waaran xidhitaan ah, hase ahaatee iyagu waxay ku gacansaydheen eedaymahaasi ay waaxda nabad sugidu u soo jeedisay.
Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen madaxda afartaasi sharikadood, oo kala ah Safaricom, Bharti Airtel, Orange Kenya iyo Yu Essar, waxay sheegeen inay caddeemo u gudbiyeen booliska markii ay saldhigga tegeen. Waxayna ku doodeen in sharikadahoodu ay u hoggaansamaan qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah ee u yaalla cadeegyada noocan ah iyo dhawrista waxyaabaha saamaynaya nabadgelyada iyo deganaansha,sida ay baahisay BBC-du.
Dalka Kenya waxa ka jira ilaa 29 malyuun oo ah kaadhadhka loo yaqaan SIM cards ee moobillada oo si sharci ah u diiwaangashan, iyo in ka badan 1.5 malyuun oo aan diiwaangashanayn, Sharikadda loo yaqaanno Safaricom ayaa ah tan ugu weyn ee adeegyada moobillada dalka Kenya.
Wajaale News
Hargeysa Office
Info wajalenews@gmail.com