WAJAALE NEWS

Wararkii ugu danbeeyay ee Rabshadiihii iyo mudaharaadkii shalay ka dhacay Magaalada Burco iyo Cidamada Bilayska oo dad Xidhxidhay

Ugu danbeeyntii magalaada Burco ayaa ah xudunta somailand kala badha galbeedka iyo Bariga somailand waxana Magalaada Burco ka soo jeeda dhalasho ahaan Madaxweynaha Somalinad Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan

Burco(Wajaale-News )  Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay tiro dhalinaraa oo saaka subaxii hore isku hor imaad ku dhexmaray dugisiga sare  15 May ee  ku yaal koonfurta Magalaaada Burco .

Iska hormaadkan  oo socday saaacado badan  ayaa waxa xoog ku  kala  dareeriyay ciidamda bilayska kuwaas oo  tira dada oo ka qayb qaadanaayay rabshadahah xidhixidhay,

Waxa kale oo ciidamdadu ay xidhixidheen dad kale oo shicib ah oo lagu tuhmay in ay ka danbeyeen rabshadahii shalay,

Ciiamamo tira badan ayaa saaka la soo dhobay dariiqyada magalaadad Burco iyadoo dadka ku dhaqan magalaada iyo Ciidamada RRU  ay isku dhaci gaadheen agagaarka xarunta dawlada Hoose ee Magalaada Burco ka dib marki ay Ciidamada isku dayeen in ay  xabsiga dhigaan dad aan waxba galabsan waxa markiiba goobta yimi Masuuliyiinta bilayska ee goboka togdheer iyo badhasaabka  kuwaaas oo dib u qaaday Ciidanmadii RRU kuna celiyaya xeryaha bilayska.

Geesta kale waxa  saaka  shirar uga bilaabmeen magaalada wasiiro  ka socotay dhinaca Xukuumada iyo odayal dhaqameedyo ka soojeeda Beesha galbeedka Burco ,  wararka shabakada Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaayay in xunbaha duqaytiga dhaqanka ee Galbeedka Burco horayba ay uga soo qadimeen dalabkoodiii aahaa in laga qaaday xilal badan oo ay saami ulahayd Beesha galbeedka Burco kuwaas oo xukumada uu hogaamiyo Ahmed Mohamed Siilaanyo ay ka qaaday  xilaka ay sida wayn u tilmaameen waxa ka mida   Isuduwayaal Maamulayaal dhinaca Wasaaarada Maaliyada  Taliyaal Ciidan iyo Masuuliyin  tira badan waxa kale oo duqaytigani soo qadimeen in nidaamka shaqo qorista ee gobolku uu ka baxay saamiqaybsigi beelaha wada dega taasina ay sababtay in dadku kaco  isla markaana xukuumadu dhinac ka rartay xilalkii dawaladnimo ee gobollka  oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka iman  jiray taasoo u adeegsanaysa awood dawladeed.

Wasiirada dhinaca xukuumada ka socday ayaan jawaabo waafiya ka bixin aan ka ahayn in dadku ilaaliyaan Nabadgleyada gobolka

Ugu danbeeyntii magalaada Burco  ayaa  ah xudunta somailand  kala badha galbeedka iyo Bariga somailand waxana Magalaada Burco ka soo jeeda dhalasho ahaan Madaxweynaha Somalinad  Ahmed  Mohamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida  Saleebaan Maxamuud Aadan oo ku  fadhiiya  labada kursi ee dalka ugu sareeyaya

 

Guud ahan jawiga guud ee Magalaada Burco ayaa   manta degen iyadoo dajinta xaalada ayka qayb qaadanayaan  Culimada iyo waayeellka Magalaada Burco

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version