|
|||||
WAJAALE NEWS
Wararkii ugu danbeeyay ee Rabshadiihii iyo mudaharaadkii shalay ka dhacay Magaalada Burco iyo Cidamada Bilayska oo dad Xidhxidhay
December 24, 2013 - Written by editorUgu danbeeyntii magalaada Burco ayaa ah xudunta somailand kala badha galbeedka iyo Bariga somailand waxana Magalaada Burco ka soo jeeda dhalasho ahaan Madaxweynaha Somalinad Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan
Burco(Wajaale-News ) Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay tiro dhalinaraa oo saaka subaxii hore isku hor imaad ku dhexmaray dugisiga sare 15 May ee ku yaal koonfurta Magalaaada Burco . Iska hormaadkan oo socday saaacado badan ayaa waxa xoog ku kala dareeriyay ciidamda bilayska kuwaas oo tira dada oo ka qayb qaadanaayay rabshadahah xidhixidhay, Waxa kale oo ciidamdadu ay xidhixidheen dad kale oo shicib ah oo lagu tuhmay in ay ka danbeyeen rabshadahii shalay, Ciiamamo tira badan ayaa saaka la soo dhobay dariiqyada magalaadad Burco iyadoo dadka ku dhaqan magalaada iyo Ciidamada RRU ay isku dhaci gaadheen agagaarka xarunta dawlada Hoose ee Magalaada Burco ka dib marki ay Ciidamada isku dayeen in ay xabsiga dhigaan dad aan waxba galabsan waxa markiiba goobta yimi Masuuliyiinta bilayska ee goboka togdheer iyo badhasaabka kuwaaas oo dib u qaaday Ciidanmadii RRU kuna celiyaya xeryaha bilayska. Geesta kale waxa saaka shirar uga bilaabmeen magaalada wasiiro ka socotay dhinaca Xukuumada iyo odayal dhaqameedyo ka soojeeda Beesha galbeedka Burco , wararka shabakada Hadhwanaagnews heshay ayaa sheegaayay in xunbaha duqaytiga dhaqanka ee Galbeedka Burco horayba ay uga soo qadimeen dalabkoodiii aahaa in laga qaaday xilal badan oo ay saami ulahayd Beesha galbeedka Burco kuwaas oo xukumada uu hogaamiyo Ahmed Mohamed Siilaanyo ay ka qaaday xilaka ay sida wayn u tilmaameen waxa ka mida Isuduwayaal Maamulayaal dhinaca Wasaaarada Maaliyada Taliyaal Ciidan iyo Masuuliyin tira badan waxa kale oo duqaytigani soo qadimeen in nidaamka shaqo qorista ee gobolku uu ka baxay saamiqaybsigi beelaha wada dega taasina ay sababtay in dadku kaco isla markaana xukuumadu dhinac ka rartay xilalkii dawaladnimo ee gobollka oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka iman jiray taasoo u adeegsanaysa awood dawladeed. Wasiirada dhinaca xukuumada ka socday ayaan jawaabo waafiya ka bixin aan ka ahayn in dadku ilaaliyaan Nabadgleyada gobolka Ugu danbeeyntii magalaada Burco ayaa ah xudunta somailand kala badha galbeedka iyo Bariga somailand waxana Magalaada Burco ka soo jeeda dhalasho ahaan Madaxweynaha Somalinad Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo ku fadhiiya labada kursi ee dalka ugu sareeyaya
Guud ahan jawiga guud ee Magalaada Burco ayaa manta degen iyadoo dajinta xaalada ayka qayb qaadanayaan Culimada iyo waayeellka Magalaada Burco
WAJAALE NEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:Daawo:Masuuliyiin Qaadacay Xilal Uu Madaxweyne Silaanyo U Magaacay Isku Shaandhayntii Xalay Iyo Sobo... DAAWO SIR CULUS;Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo Balan Qaaday Midaynta Somaliland iyo Somaliy... DAAWO;-Xisbiyada Ucid Iyo Waddani Oo Kulan la yeeshay Weftigii Ka Socday Midowga Yurub Iyo Arimaha A... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|