WAJAALE NEWS

“Seddexdii Kiis Ee Isku-dayga Dilka Ahaa Waxay Dabada la Galeen Meeshii Ammaanka Gacanta Inoogu Haysay, Lamana Doonayo in Dambiilayaashii La Soo Qabto”Xil.Rayte.

xildhiban cali rayteHargeysa(Wajaale News):-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa walaac ka Muujiyey dhabar-jabka Sharci ee Xukuummadda Kulmiye Ka waddo dalka iyo sida ay faraha uga baxday sharciyaddii iyo kala dambayntii dalka ka jiri jirtey. Xildhibaan Rayte oo ka hadlayey munaasibad xisbigiisu ku soo dhaweynayey taageeryaal ku soo biiray shalay, ayaa sheegay in xukuumaddu afweynta u ridday sharciyaddii waddanka, isla-markaana abuurtay fursado lagu burburinayo sharciga oo lagu fulinayo falal halis ku ah wada Noolaanshaha bulshada, “Waxa isku keen xidhaya ee inoo wada danta ahi waa sharciga aynu ku wada Nool-nahay, maalinba maalinta ka dambaysana waxa muuqata in sharcigii xagga dambe laga tuuraya. Xilliyadan dambena waxa waddankeena ku soo biiray dhacdooyin muujinay calaamado xun xun oo inagu s oo socda, kuwaas oo ah dilal siyaasadeed oo inagu soo socda.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte. Sidoo kale waxa uu xildhibaan Rayte farta ku fiiqay in xukuumaddan kulmiye la kawsatay in qofkii isku daya inuu cabiro dareenkiisa ama ra’yigiisa dil loo maleego, iyadoo waliba arrimahaas qorsheynteeduna ay ku biyo shubtaan Madaxtooyada, waxana uu yidhi, “dareenka bani aadamku meel buu uga soo wada jeedaa in qof bani aadam ahi ra’yigiisa ama mawqifkiisa siyaasiga ah lagu dilo inaguna sharci baynu ka leenahay, laakiin saddex kiis oo inaga inagu dhacay oo arrintaas ku saabsan saddexdiiba meel bay madaxa la galeen halkaas oo ah meeshii sharciga laga dhawri lahaa ee Nabadgelyada gacanta inoogu haysay.” Xildhibaan Ibraahim Axmed Rayte, waxa uu sheegay in isku dayadii dil ee dalka ka dhacay dabayaaqada sanadkan sii galbanayaa ay dhamaantood dadkii fulinayey noqdeen qaar madaxtooyada ku xidhan oo aan dhinacna uu dhaafsiisnayn, waxana uu yidhi, “isku dayadii dilal ee lagula kacay Xildhibaan Qabille Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal iyo kii lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin intuba madaxtooyada ayey dabada la galeen xukuumaduna ma doonayso in dambiilayaashii la soo qabto oo sharciga la hor keeno.” Xildhibaanka ayaa Baaq wax ku Ool ah u diray Madaxweynaha somaliladn, waxana uu ugu baaqay inuu madaxweyne Ahaan xil weyni ka saaran yahay ilaalinta sharciga, haddii sharciga la waayana aanu madaxweyne ahaan doonin,“Madaxweyne Sharciga waynu ku wada Noolahay, Adigana xil gaar ah baa kaa saaran adiguuna dan kuu sii yahay, awooddaaduna sharci bay ku dhisan tahay oo xoog kuma haysatid, sharicgaana haddaad Baasto madaxweyne iyo wax kale midna ma jiri doono.” Ayuu yidhi xildhibaan Rayte oo isagu ah Mas’uul aalaaba xukuumadda u soo jeediya inay sharciga ilaaliso oo ay dabaqdo wixii bulshadu ku heshiisay ee ahaa in loo sinnaado wax kasta oo ummadda u dhex ah, waxana uu inta badan badheedhihiisa ka sheeggaa xarunta Golaha wakiillada isagoo ka tirsan xildhibaanada mucaaridka ah ee Golahaas ku jira.

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

Exit mobile version