Hargeysa(Wajaale News):-qaar ka mid ah naafada ciidanka Somaliland ayaa cabasho balaadhan ka muujiyey cadaalo daro iyo tacadi ay ka tirsanayaan wasiirka wasaarada gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Naafadan ka tirsan ciidamada Somaliland oo war murtiyeed ka soo saaray magaalada Hargeysa ayaa waxay kaga hadleen ficilo aanay mahadin oo uu kula kacay wasiirka gaashaandhiga Somaliland, iyaga oo cod dheer ku dalbaday inuu soo kala gaadho madaxweynaha Somaliland iyaga iyo wasiirka gaashaandhiga.
Qoraalkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska war qabadka ee Wajaalenews.com ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu dhignaa sidan:-
Naafada ciidanka qaranku waxay ka cabanayaan xaquuqdoodii oo ay waayeen sida darajada ciidamada la siiyey,caafimaadkii, iyada oo laga saaray abtiirsiintoodii ciidanimo oo la hoos geeyey NDC-da taas oo aanaan aqbali doonin cida koobaad ee aanu ka cabanaynaa waa wasiirka gaashaandhiga Somaliland waana markii sadexaad ee uu na ruqseeyo, hadaba waxaanu ka codsanaynaa madaxweynaha inuu wax ka qabto arintan aanu ka cabanayno haddii aanu nahay naafada ciidanka qaranka.
Waxaanu nahay muraayadii muraayadii ciidanka qaranka , waxaanu nahay halka uu iska eegayo ciidanka qaranka Somaliland waayo askari mustaqbalkiisu waa Geeri ama waa naafo, hadaba haddii ay tahay marka uu askarigi naafoobo ama uu dhinto looma baahna wax xuquuq ah oo uu leeyahay ma jirto hadaba ciidanka qaranku ma loojineerbaa waxaana cadayn u ah iyada oo la yidhi ma lihidin wax caafimaad ah, ma lihidin wax darajo ah, ma lihidin wax cirro ah sida ciidamada kale.
Mar labaad waxaanu mudane madaxweyne kaa codsanaynaa inaad wax ka qabato cabashadayada sidii aad tii horeba wax uga qabatay waxaanan doonaynaa inad nagu soo celiso wasaarada gaashaandhiga Somaliland waxaanan kaa filaynaa inaanad wax u wadi doonin sida wasiirka gaashaandhiga waayo wasiirka gaashaandhigu waxa uu taagan yahay marka aanu is nidhaahdo la hadla idinma arki karo haddii aad tihiin naafadii ciidanka, madaxweyne waxaanu u bognay wax qabadkaaga sida dhismaha wasaaradaha,darajada ciidanka oo aanu filayno inaanad naga reebi doonin balse adiga lagaa sokeeyo, waxaanu doonaynaa inaad na kala gaadho anaga iyo wasiirka gaashaandhiga wuxuu nagu qasbayaa inaanu dagaalano waanay tagi haddii aad raacdo wasiirkaagaa gaashaandhiga, waxa nagu kalifay inaanu tagno warbaahinta markii wasiirkaaga gaashaandhigu uu nagu yidhi idinma arki karo.? Ayu lagu yidhi war murtiyeedka ay soo saareen qaar ka mid ah naafada ciidanka qaranka Somaliland.
Magacyada Naafada Ciidanka Ee War Murtiyeedka Soo Saaray
1. Maxamuud Cabdilaahi Cabdi
2. Cabdilaahi Cilmi Samatar
3. Xasan Xuseen Jaamac
4. Maxamed Xasan Doolaal
5. Sagal Diiriye
6. Muuse Cabdi Maxamed
7. Cumar Axmed Samatar
8. Axmed Badmaax Ismaaciil
9. Cabdikariim Axmed Warsame
10. Cabdilaahi Yuusuf Olol
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com