WAJAALE NEWS

“Waxaan Xukuumadda Ina Biixi Uga Digaynaa Inay Uga Sii Darto Talefiishano Aan Ku Soo Jeedin”. Siyaasi Mustafe Shiine

London (WJN)– Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi Jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadley xayirada ay Xukuumada Madaxweyne Biixi dul dhigtay labada Telefiishan ee Horyaal iyo Eryal.

Siyaasi Mustafe Shiine ayaa sheegay in wakhtigan laga gudbay xiligii albaabada loo laabi jiray Warbaahinta madaxa-banaan.

Sidoo kale, Siyaasi Mustafe Shiine ayaa Xukuumada uga digay inay uga sii darto warbaahinta islamarkaana Telefiishano aan ku soo jeedin ay u bedelin hay’ad la dagaalanta Xukuumaddiisa.

Mustafe Shiine oo qoraal uu kaga hadlayo arintaasi soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews ayaa u dhignaa sidan:-

“Xayiraada Talefishanka Horyaal waxba ka bedeli mayso gudashada waajibkiisa, waabu ku sii darari doonaa.

Waa laga gudbay xiligii albaabada loo laabi jiray warbaahin,dabadeedna ay halkaasi ku dhamaan jirtay.

Maanta dunidu waxay ku jirtaa casrigii ay shaqeeyaan Aalado dhago fudud oo muuq iyo maqal baahiyayaal dushaada yaal ah, kuwaasi oodan wax ka qaban karin.

Shabakadaha laliya wararka ee edegyada ku kala jiraa maaha, mid ay xukuumadda Afrikaan ahi wax ka qaban karto, Afrika daayee reer galbeedkii awooda sheegan jiray ayaa u taag waayay talefishanka dalka yar ee kooban ee qaniga ah ee Carbeed ee Qatar uu lee yahay ee Aljazeera.

Maanta tallaabada uu qaaday madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee uu isku dayay inuu ku damiyo laba talefishin mar keliya waa mid aan wax yeelayn qaab socodkii warbaahintaa, keliya waa mid dhaawacaysa sumcadii ay Somaliland ku kasbatay 29kaa sanadood ay jirtay ahaanshaha dal ixtiraama xorriyatulqawlka iyo sharuucda ay dhigteen ee dastuuriga ah, kuwaasi oo damaanad qaadaaya lahaanshaha iyo ka shaqaysiinta qalabka warbaahinta iyo xorriyadda hadalka intaba.

Waxaan halkan ku cadaynayaa in Talefishanka Horyaal TV aanay arrintani wax ka bedeli doonin, xitaa hadday xukuumaddu xabsiga ku gurto mulkiilaha iyo shaqaalaha Hargeysa jooga, iyadoo aanu ka hawlgelin doono dalalka ay joogaan masuulyiinta kale ee kala hawlgasha dibadaha, sida xafiiska qaarada Yurub oo ku yaal caasimada 2aad ee UK ee Birmingham iyo London oon anigu ahay lataliye ka caawiya mulkiilaha arrimaha socodsiinta hawlaha TVga.

Sidoo kale waxa TVgu xarumo ku lee yahay dalalka aynu jaarka nahay sida Jabuuti iyo Kenya, waxaanu xarumo ku kala lee yahay Muqdisho, Garoowe iyo Boosaaso, anagoo hadda wadna inuu ku yeesho xarumaha maamul goboleedada kale ee dalka Soomaaliya.

Dhinaca Somaliland waxa ka hawlgeli doona weriyayaal xirfadlayaal ah oo mid walba isagoo socda uu hawada gelin karo warka iyo barnaamijka uu doono,iyadoo aan la heli doonin codkiisa iyo cida uu yahay ama ay tahay intaba.

Sidaa daraadeed waxaan xukuumadda Ina Biixi uga digaynaa inay uga sii darto arrimaha oo taleefishano aan ku soo jeedin oo si xirfad warbaahineed ku dhisan u hawlgeli jiray aanay u bedelin hay’ad la dagaalanta xukuumaddiisa.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version