WAJAALE NEWS

Mudaharaad biyo la’aan ah oo caawa ka bilaabmay xaafadda Star ee Hargeysa

Hargeysa(Wajaalenews) Dadweyne ka gadoodsan biyo la’aan soo food saartay xaafadaha Hargeysa intooda badan ayaa ka bilaabmay xaafadda Star ee koonfurta Hargeysa, halkaas oo taayiro iyo dhagaxaan lagu gooyay Jidkii madaarka.

Qof goob jooge ah ayaa shabakada wajaalenews u sheegay in Ciidamo Booliis ahi rasaas nool u adeegsadeen muadaharaadayaasha isla markaana ay isku dayayaan in ay dhagaxaanta ka guraan jidka.

Xaaladda biyo la’aanta ayaa ku sii fidaysa Hargeysa, waxaanay dadweynihii Booyaduhu u dhaamin jireen qarka u saaran yihiin haraad iyadoo aanay illaa hadda xukuumaddu wax talaabo ah oo ay ku furdaaminayso cabashada Booyadlayda samayn.hadii arinta booyadlayda biyaha dhaamiyo maaro amaba qorshe dawladu u keeniwaydo ayaa waxa lafilayaa in rabshadu iyo mudaharaadadu sixoogaysandoonan iyadoo bulshada hargaysa 70% ay u adeegayeen booyadahaasi biyahana ay iyagu soo gaadhsiinayeen dhismayaasha guryaha ayaa iayaguna ilaa shalaytaagan halkaana waxaa ku shaqo waayay danyar faro badan

wajaalenews desk

Exit mobile version