WAJAALE NEWS

Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oo Hore Nin Rayid Ah U Dilay.

maxkamda hargaysaHargeysa(Wajaale News):-Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta Dil toogasho ah ku xukuntay Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir, kaasoo hore u dilay nin ay saaxiibo ahaayeen goor habeenimo ahayd.

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir waxa maanta la hor keenay Maxkamadda Gobolka Hargeysa taasoo soo gabagabaysay dhagaysiga Dacwadiisa oo in muddo ah socotay, waxaanay maanta ku dhawaaqday xukun Dil ah, kaasoo ay u cuskatay Xeerka Ciqaabta Guud iyo shareecadda Islaamka.

Mustafe Cismaan Daahir oo ahaa Xildhibaan Golaha Deegaanka ah oo ka soo baxay urursiyaasadeedkii UMADDA in badana xukunkiisa la sugayey waxa lagu wadaa in uu jagadiisii buuxiyo xildhibaankii ku xigay oo ka dhur sugayey Xukunkan isla markaana dood badan oo dhinaca sharciga ahi ka hor taagnayd in uu kursigiisa buuxiyo.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenewa.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version