WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo oo Maal-qabeen Yamani ah kula kulmay Madaxtooyadda

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta qasriga Madaxtoouyadda ku qaabilay maal-qabeen u dhashay dalka Yaman kaasoo saacado joogay Caasimadda Hargeysa isla maantana dib u duulay.

Lama oga socdaalka Maal-qabeenka Yamaniga ah iyo waxay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka wada hadleen toona hase yeeshee wararka ka soo baxaya weftigaasi ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyaddu auy baabuurta Martida kaga soo qaadeen Madaxtooyadda, iyagoo isla markii uu dhamaaday wadahadalka Madaxweynaha iyo Maal-qabeenkaas-ba dib loogu celiyey diyaaradiisii.

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda, hadana dad la socday dhaqdhaqaaqa Yamanigaas ayaa sheegaya in uu ahaa Nin Ganacsade ah oo hore u yimi Somaliland, kaasoo waday qorshe uu Dekedda Berbera kaga dhisanayo Haamaha Waaweyn oo uu doonayo in uu ku shubo Sibidh aan cabaysnayn oo uu ku soo qaadayo maraakiib, si uu ugu cabeeyo Berbera.

Maal-qabeenkan ayey hore warbaahintu safarkiisii warar kala duwan uga baahisay kadib markii ay xukuumaddu qarisay macluumaadka uu dalka u yimi, hase yeeshee sida ay ku baahisay  Mareegaha Internet-ka Qaarkood, waxa ay shirkadda ninkani leeyahay sheegtay in haamaha laga cabeeyo Sibidhka ee ay ku leedahay Dalalka Yaman iyo Cumaan ay ku kordhinayso mid kale oo ay Somaliland ka hirgelinayso.

Shirkadda Ganacsadahani warkeeda kumay sheegeen cida ay xidhiidhka kala leedahay Somaliland hase yeeshee waxay xustay oo kali ah in ay jiraan ganacsato Reer Somaliland ah oo ay heshiis la galeen, hase yeeshee ilo wareedyo hoose ayaa wakhtigaas Wajaale u xaqiijiyey shirkaddahani in ay heshiis la gashay Shirkadda Dahabshiil.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan Ganacsade Yamani ah ka joojisay carwo uu doonayey in uu ka furto Hotelka Imperial, iyadoo ku amartay in uu ka qayb qaato Carwo Rugta Ganacsiga Somaliland k furayso 1-da sanadka cusub ee 2014 Guled Restraunt

Exit mobile version