WAJAALE NEWS

Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Oo Magaalada Hargaysa Ka Furay Shir Ku Saabsan Xakamaynta Hubka Fudud

Hargaysa(WAJAALENEWS):- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdraxmaan Cabdilaahu Ismaaciil (saylici) ayaa maanta ka qeyb galay shir lagaga hadlaayay xeerka xakamaynta hubka fudad.

Hargaysa(WAJAALENEWS):- Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdraxmaan Cabdilaahu Ismaaciil  (saylici)   ayaa maanta ka qeyb galay  shir lagaga hadlaayay xeerka  xakamaynta hubka fudad ,kaasoo ay soo qaban qaabisay wasaarada arimaha gudaha.

 

 

Shirkan oo ay kasooo qeyb galeen wasiir ku xigeenka aminga , wasiiradda wasaaradaha  qorshaynta.  , cadaalada ,diinta iyo awqaafta iyo wasiir ku xigeenka wasaarada  gaaashaan dhiga oo lagu qabtay huteelka maansoor ee magaalada

hargaysa  ayaa  madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxamaan cabdilaahi isamaaciil [saylici ]oo halkasi ka hadlay ayaa  sheegay in nabadgalayad somalailand mudo dheer laga soo wada shaqeeyay sidii ay  u noqon lahayd mid adimo adag ku istaagta taasoo maanta somaliland ay tahay mid dunidu ay ku amaanto heerka nabad galyo ee ka jira islamarkaa ay tahay mid ilaahay loogu mahad naqo  waxaanu intaa ku daray in dadka reer somalland dhamaantood ay ka qeyb qaateen sidii dalku u noqon lahaa mid amaan ah  guushaa midhaheediina aynu maanta guranayno, waxaanu inaa  raaciyay  in xeerka laga hadlayaa uu yahay mid sii adkaynaya nabadgalayada guud ee dalka.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in xeerka laga hadlayaa uu yahay mid lagu ogaanayo hubka fududu eek u jira gacanta dadweynaha  sidaa darted ay dawlada waajib ku tahay in ay ogaato qiyaasta hubka fudud ee dadweynuhu ay haystaan

Wasiir ku xigeenka aminaga  md cabdialaahi abokor cisamaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay  in ujeedada kulankani ay tahay muhiimada  ay leedahay xakamaynta  hubka fudud ,waxaana  sheegay in lagu qiyaaso  tirada  hubka fudud ee dalkeena yala in uu  yahay   ilaa lix boqol oo kun  sidaaa Daraadeedna wasaarada arimaha guduhu ay  wakhti hada laga joogo mudo dheer  ay mamnuucday ka ganacsiga hubka fudud iyo  rasaasta loo adeegsado

Wasiir kuu xigeenku waxa uu sheegay in wasaradaha iyo marti sharafta kale in  loogu yeedhay in ay soo gudbiyaan wixii talo ee la xidhiidha  amuurahaasi xeerka xakamaynta hubka islamarkaa uu ugu mahad celinayo wakhtigooda ay soo bixiyeen.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Dr Sascad Cali Shire oo halkaas  ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay keenaan isticmaalka hubka fudud isagoo tilmaamay in in somaliland sanado hore ay soo saaratay xeerar lagu xakamaynayo  isticmalida hubka fudud sidaa darteed mar hadii aanan laga maarmayn adeegsiga hubka fudud  waxa haboon in hubku gacanta dawlada ku jiro  sida somaliland ay kusooo caano maashay ilaa maalintii hub ka dhisgista qaran la sameeyay dalkeenu waxa uu ahaa nabad

Gabagabadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirada cadaaalada iyo diinta iyo awqaafta oo ka waramay   Muhiimada Bulshada ay u leedahay nabadgalyadu isla markaana loo baahan yahay in laga hortago wixii wax u dhimaya nabadgalyada.

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version