WAJAALE NEWS

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo ka qeyb galay kulan lagu gorfaynayay Tamarta dalka

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynane ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa kaga qayb galay munaasabad balaadhan oo ku saabsan bandhig cilmiyeedka tamarta Somaliland.

Munaasibadan oo si heer sare loosoo qaban qaabiyay ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirrada wasaaradaha qorshaynta qaranka, tamarta iyo macdanta, horumarinta deegaanka iyo reer miyiga, wasiir ku xigeenada tamarta iyo macdanta iyo hawlaha guud, gaadiidka iyo guraynta iyo qaar ka tirsan hay’adaha caalamiga ah.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka tamarta iyo macdanta Md Xuseen Cabdi Ducaale oo ka waramay ujeedada bandhiga oo uu tilmaamay in uu yahay sidii looga gudbi lahaa dhuxusha dalka laga isticmaalo isla markaana loogu guuri lahaa tamaraha kale sida dhuxul dhagaxda iyo gaasta dabiiciga ah.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Baandare oo sheegtay in ay wadaan qorshe ah sidii loo cidhib tiri lahaa aafada dhuxusha oo xaalufin daran ku haysa dhirta.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Md. Sacad Cali Shire oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in isticmaalka tamaraha kale ay yihiin waxa kaliya ee badbaadin kara dhirta iyo deegaankeena sidaa darteed loo baahan yahay in bulshadu ay isticmaasho tamaraha kale.

Gabagbadii waxa halkaasi ka hadlay Madaxweynane ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil[ (Saylici) ayaa sheegay in uu baaq u jeedinayo bulshada kaas oo ku saabsan sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga dhuxusha , xukuumad ahaan ay ku hawlan yihiin sidii qorshe xirfadeed loogu samayn lahaa dadyowga ka ganacsda dhuxusha si deegaanka dalku u badbaado

 

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version