Degaanada lagu arkay ayaxa ayaa waxaa kamid ah tuulooyin HARCADAAD IYO KAAM BARWAAQO oo hoos yimaada degmada allaybaday.
Warkan waxaa noo xaqijiyay xoghaya degmada allaybada Maxamed Xuesen Axmed isaga oo noo sheegay in halkaa lagu arkay ayax tiro badan oo u socdo koronkorooyin waxaanu ugu baaqay xukuumada iyo cidii kale ay khusayso in gurmad laga sameeyo ayaxan sida dhibta yar u faafiya.
Dhanka kale qaar kamid ah dadweynaha ku nool labadaa tuulo ayaa waxay kazoo saareen qaylo dhaan iyaga oo sheegay in uu ka cunay oo ka dhameeyay caleemihii u yaalay, waxayna baaq xukuumada iyo hay’adaha ay ugu baaqeen qaylo dhaan ka dhan ah ayaxa faraha baas ku haya deganka waxayna sheegeen in uu sii fidayo oo uu isii gudbayo meele kale haddii aan laga hortagin.
Si kasbta ha ahaate ayaxan ka dilaacay degaanada Somaliland ayaa todobaad ka hor laga soo sheegayay meelo kamid luhaya iyo saylaca oo faro baas ku hayay
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM