WAJAALE NEWS

MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO TACSI U DIRAY SULDAANKA GUUD EE SUBEER AWAL,GEERIDII KUTIMID XAASKIISA

 

 

 

 

14/12/2013

 

TACSI MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa Suldaanka guud ee Subeer-awal, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid xaaskiisi MARXUUMA JAMIILA CABDILAAHI CALI oo ku geeriyootay Dalka Ethiopia.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Eheladii, Qoyskii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridaasi.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumada Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Suldaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version