WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Lugtii 2aad ee Safarkiisa Ku Maraya Dalka Tansania

muuse bixinAddis-ababa (Wajaale News)-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu Maanta  u socdalo   dalka Tansaniya oo uu tegayo booqashadii labaad ee dal afrikaan ah muddo laba todobaad guddahood ah. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku sugan Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis-ababa halkaasoo uu Axadda Berri uga soo gudbayo Tansania, oo uu marti qaad siyaasadeed ka helay, sida ay   xaqiijiyeen xubno sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha ayaa safarkiisa hore sida Xisbigu sheegay ku koobnaa shan maalmood oo uu Addis ababa ku maqnaanayo, balse haatan u muuqda inuu daba dheeraaday “Guddoomiyuhu wuxuu tegayaa oo berri u baxayaa safar uu ku tegayo Tansania,kaasoo laga yaabo inuu shan maalmood oo dambe qaato, markaa safarkiisu wuxuu ku soo dhamaysanayaa ilaa toban maalmood oo ilaa lix casho tagtay”sidaasi waxa   sheegay xubin ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ku soo laabtay Magaalada Hargeysa Khamiistii la soo dhaafay,kaasoo Guddoomiyaha ku wehelinayay Safarka Addis-ababa. Muuse Biixi iyo Xasan Siciid ayaa intii ay joogeen Addis-ababa la kulmay xubno sarsare oo ka tirsan Xisbul xaakimka Itoobiya, kuwaasoo uu ka mid ahaa Reysal-wasaare ku-xigeenka ahna Xoghayaha guud ee Xisbiga EPRDF iyo xubno kale.

Sida lagu sheegay war labada dhinac ka soo saareen kulankooda, waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada xisbi iyo inay iska kaashadaan dhinaca siyaasadda.  Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo ujeedada ka dambeysa Safarka uu tansania ku tegayo Guddoomiye Muuse Biixi iyo cidda soo casuumtay toona. Xisbiga kulmiye ayaa isu diyaarinaya Shirweynaha Xisbigaasi oo Kaabi saaran, isla markaana ku beegan dabayaaqada Bisha December ee maalmaha soo socda bilanaysa. Shirweynahaasi ayaa waxa hadheeyay oo aan ilaa hada xal waara laga gaadhin khilaaf ka dhashay cidda ku loolamaysa Jagada guddoomiyenimada xisbiga oo siyaasiyiin badan Hunguri kaga jiro. Khilaafkaasi ayaa sababay in xisbigu ilaa hada laba garab oo kala taageersan Muuse Biixi iyoi Wasiirka Maaliyadda u kala fadhiyo.

Soo dhawaanshiyaha wakhtiga iyo khilaafka taagan ayaa caqabad ku ah, isla markaana natiijo laga gaadhin mideynta iyo hawl-gelinta guddida qabanqaabada oo ilaa hada inta la ogyahay hawshoodu si u kala dhantaalantahay. Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi ayaa marka uu dib ugu soo laabto bilowga Bisha December waajihi doona tirsiga maalmo loolan iyo culays badan oo Mustaqbalkiisa siyaaasadeed gogol xaadh u ah.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version