Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed Daahir, Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, dhamaan Xubnaha Golaha Sare ee SONYO, Dhammaan Shaqaalaha Fulinta Xafiiska Dalladda SONYO Waxay Tacsi U Dirayaan Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Muraase oo Xalay ku geeriyooday Gobolka Gabiley.
Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik
Ismaaciil Taani, Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Mustafe Maxamed
Daahir, Agaasimaha SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, dhamaan Xubnaha
Golaha Sare ee SONYO, Dhammaan Shaqaalaha Fulinta Xafiiska Dalladda
SONYO iyo Guud ahaan dhallinyarada Somaliland waxa ay Tacsi u dirayaan
Eeheladii iyo Qaraabadii iyo shacabka Somalilandba, geeridii ku timid
Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Muraase oo Xalay ku geeriyooday Degmada
Gabiley. Marxuum Muraase waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha
sare ee SONYO ee shanaad, waxaanu sidoo kale Bare Sare ka ahaa
Jaamacadda Timacade ee Gobolka Gabiley. Dhammaan SONYO iyo
masuuliyiinteedu waxa ay Marxuumka ILAAHAY uga baryayaan in uu
jannadii ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo. Marxuumku
waxa uu door weyn oo shariif ah ku lahaa dhismihii Dalladda Heer Qaran
ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, waxaanan Ilaahay SWT uga
baryaynaa in uu Jannadiisa Fardawsa ka waraabiyo ehelkii iyo
asaxaabtii uu kabaxayna Samir iyo Iimaan Saadiq Ah ka siiyo.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane