WAJAALE NEWS

Deegaamada Barriga Somaliland Oo Faraha Xukuumada Ka Siibtay, Loolanka Doorashada Puntland Oo Xadka Ka Soo Talawday iyo Murashax Badhan Cod Weydiistay

Hargeysa (Wajaale News):- Deegaamada Barriga Somaliland ayaad moodaa in ay maalinba maalinta ka dambaysay ka sii baxayaan Faraha Somaliland.
Degmada Taleex oo ku taala gudaha dalka Somaliland ayaa dhawaan weerar miilatari oo ay ciidamo ka socda Puntland ku soo qaadeen waxa ay ku dileen dad badan, waxaanay dhaawaceen dad kale.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire, ayaa marar kala duwan booqasho ku yimid deegaanka Taleex, waxaanu shacabka ugu khudbadeeyay in uu wax badan ka qaban doono maamulka Puntland Baahiyaadka yaala deegaankaasi.
Degmada Badhan ee Barriga Sanaag, ayaa iyaduna noqonaysa deegeenkii labaad ee ka siibta faraha Somaliland.

Murashaxa Madaxweyne ee Puntland, ahna Ra?isal Wasaarihii hore ee Somalia Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaasiyo wafti uu hogaaminayo oo taageero raadis ah ayaa soo gaadhay Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in deegaankaani aanu u baahnayn in dusha laga eego balse uu u baahan yahay in xaalada uu ku sugan yahay laga war hayo.

Hadaladii uu ugu khudbadeeyay dadka deegaankaas ee uu codka ka raadinayay ayaa waxa ka mid ahaa, Badhan uma Bahna Buur in la Fuulo Badhan Waxay u Baahantahay in la soo booqdo Badhan waxay u bahantahay in loo yimadoo baahideeda la ogaado, Adeerkey Cabdiraxman Shalay waa uu Khudbeeyey hadalkii u yidhi anigu ka Jawaabi maayo Laakin Badhan iyo Puntland ayaa ka Jawaabi doonto 8 January 2014″ ayuu yidhi.

Siyaasiyiinta Mucaarka ah ee Somaliland ayaa dhaliilo badan ugu soo jeediyay xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida aanay xilba isaga saarin in ay deegaamadeeda si buuxda gacanta ugu dhigto.

Ma jiro wax hadal ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay booqashadan ugu dambaysay ee Badhan ku yimid murashaxa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Hargaysa Office
Wajaale News
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane
Email:habane00@gmail.com

Exit mobile version