Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada iyo xubin kale ayaa maanta u baxay safar ay ku tagayaan magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia.
Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalad Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay la soo kulmayaan deeq bixiyaasha caalamiga ah,baanka Aduunka iyo midawga Yurub kuwaas oo ay kala soo hadli doonaan qodobo la xidhiidha dib u habaynta maamulka maaliyada iyo sidii loo dhaqaajin lahaa heshiiskii ay Somaliland u soo bandhigtay caalamka ee la xidhiidhay horu marka
Ugu horayna waxa uu wasiirku hadalkiisa ku bilaabay sidan ?socdaalkayagu waxa uu daba socdaa shirweyne lagu qabtay Somaliland dabayaaqadii bishii hore oo layskugu yeedhay deeq bixiyayaasha, anaga oo taas daba socona ayaa waxaanu doonaynaa inaanu kala hadalno dhawr qodob oo ay ka mid tahay midawga Yurub, Baanka Aduunka iyo safaarado ay ka mid yihiin Jarmalka,Qadar iyo Maraykanka hawlo la xidhiidha ajandihii lagagag hadlay shirkii ka dhacay Somaliland kaas oo ajandihiisu ahaa dhawr qodob oo uu ka mid ahaa maamulka maaraynta maaliyada iyo qodob la xidhiidha heshiiska cusub oo aynu u soo bandhignay deeq bixiyayaasha baahideenu waxay tahay iyo mudnaanta ay inoo kala leeyihiin, taasna inaanu ka daba tagno ayaanu u soconaynaa oo aanu u samayno qaab dhismeedkii lagu xaqiijin lahaa.? Ayuu yidhi wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire.
Sidoo kale wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu dhankiisa u socdo dib u habaynta maamulka maaliyada, waxaanu tilmaamay inuu u soo gudbi doono wadanka Ingiriiska oo uuu sheegay inay kaga qayb gali doonaan shirweyne dhaqaale loogu raadinayo dhismaha wadada Ceerigaabo.