Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliland Oo Maanta Socdaal Ugu Kicitay Wadanka Ethiopia Iyo Ujeedada Socdaalka Oo Ay Ka Hadleen Wasiirka Qorshaynta Iyo Wasiirul Dawlaha Maaliyada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Somaliland Oo Maanta Socdaal Ugu Kicitay Wadanka Ethiopia Iyo Ujeedada Socdaalka Oo Ay Ka Hadleen Wasiirka Qorshaynta Iyo Wasiirul Dawlaha Maaliyada.
November 9, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasiirowasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo ay weheliyaan wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada iyo xubin kale ayaa maanta u baxay safar ay ku tagayaan magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia.

Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalad Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay la soo kulmayaan deeq bixiyaasha caalamiga ah,baanka Aduunka iyo midawga Yurub kuwaas oo ay kala soo hadli doonaan qodobo la xidhiidha dib u habaynta maamulka maaliyada iyo sidii loo dhaqaajin lahaa heshiiskii ay Somaliland u soo bandhigtay caalamka ee la xidhiidhay horu marka

Ugu horayna waxa uu wasiirku hadalkiisa ku bilaabay sidan ?socdaalkayagu waxa uu daba socdaa shirweyne lagu qabtay Somaliland dabayaaqadii bishii hore oo layskugu yeedhay deeq bixiyayaasha, anaga oo taas daba socona ayaa waxaanu doonaynaa inaanu kala hadalno dhawr qodob oo ay ka mid tahay midawga Yurub, Baanka Aduunka iyo safaarado ay ka mid yihiin Jarmalka,Qadar iyo Maraykanka hawlo la xidhiidha ajandihii lagagag hadlay shirkii ka dhacay Somaliland kaas oo ajandihiisu ahaa dhawr qodob  oo uu ka mid ahaa maamulka maaraynta maaliyada iyo qodob la xidhiidha heshiiska cusub oo aynu u soo bandhignay deeq bixiyayaasha baahideenu waxay tahay iyo mudnaanta ay inoo kala leeyihiin, taasna inaanu ka daba tagno ayaanu u soconaynaa oo aanu u samayno qaab dhismeedkii lagu xaqiijin lahaa.? Ayuu yidhi wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire.

Sidoo kale wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani  oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inuu dhankiisa u socdo dib u habaynta maamulka maaliyada, waxaanu tilmaamay inuu u soo gudbi doono wadanka Ingiriiska oo uuu sheegay inay kaga qayb gali doonaan shirweyne dhaqaale loogu raadinayo dhismaha wadada Ceerigaabo.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS