WAJAALE NEWS

Xoghayaha Guud Ee Wadani Oo Shacabka U Iftiimiyay Dooda Qaran Ee Ay Xisbiyada Mucaaradku Wadaan, Kana Hadlay Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiilada

Mid baan kuu sheegayaa xukuumaddu Ma doorato guddoomiyaha Golaha Wakiilada awoodna uma laha ay ku kala bedesho.

Hargeysa (wajaalenews) -Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay In xubno ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay ka soo horjeedsadaan Dooda         Qaran ee ay ku baaqeen xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Wadani.

 

Sidaas waxa  waraysi dheer oo uu siiyay ku sheegay Xogyaha Guud Ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade.

waxa uu xusay in doodaasi lagaga


hadli doono sidii xeer dabar u noqda loogu samayn Lahaa Golaha Guurtida oo ilaa maalintii la sameeyay ilaa maanta aan lahayn wax xeer ah.

Dhinaca kale waxa uu waraysigan kaga hadli doonaa Kursiga Guddoomiyaha Golaha wakiiladda, Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo ay ka wareegeen buu yidhi Diyaaradihii Waaweynaa iyo qodobo kale, waxaanu yidhi ?Horta  Dooda Qaran ee ay ku baaqeen xisbiyadda Mucaaadka ahi waa mid ay dhaqan u lahayd Somaliland, waana mid la qabtay Markii ay bishu ahayd 5tii bishii 8-aad 2006, waxaana lagu qabtay Hoteel Obama, waxaana wada qabtay Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID Iyo Kulmiye oo uu shirkoodaasi guddoominayay Madaxweynaha Wakhtigan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade, waxa uu ayaan darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in Warbaahinta Dawladda loo adeegsado dhaleecaynta Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ahna guddoomiyaha Golaha wakiiladda, waxaanu yidhi.

Shirarka noocaasi ahi kuwaa dood dalka lagu toosinayo, hadda waxa aanu maqlaynaa oo nasiib daro ah in guddoomiyaha Golaha wakiilada oo ah ninka afraad ee dalkan maamuuska ku leh laga caayayo Idaacada, waxa loo soo abaabulayaa dad, waxaana la leeyahay waxa uu soo abaabulayaa shir dalka lagu burburinayo.

Dadka noocaas ah leh waa kuwii aanu ugu taag la?ayn waar ilmaadeerayaal dastuurkaas ha loo codeeyo, waxaanay isaga iyo faysal cali waraabe ka mid ahaayeen aasaasayaashii xisbigii UCID, Qasabna kaga dhigay kuwa maanta qaylinayaa ay samaystaan xisbiyo.

In maanta kuwii maanta kuwii shir beeleedka wadi jiray ay ku caayaan oo ay yidhaahdaan shir beeleedbay wadaan waa nasiib daro? ayuu yidhi

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in uu wax ka qabto xubnaha sida aadka ugu qaylinaya in Xisbiyadda mucaaradka ahi dalka ka wadaan fawdo, waxaanu yidhi ?Madaxweynaha Waxa aan ugu baaqayaa in uu arrintaas si degdeg ah wax uga qabto, dalkana been lagu hagi maayo, wasiiradiisan yaryar ee yaacaya ee waxa ay doonaan samaynayana uu xad uga yeelo? ayuu yidhi.

Waxa uu faahfaahin dheeri ka bixiyay Dooda qaran ee lagaga wada hadlayo aayaha dalkan Somaliland ee ay ku baaqeen Xisbiyada Mucaaradka ahi, waxaan u yidhi ?Waxa ay xisbiyadda mucaaradka ah ee ucid iyo wadani qabanayaan shir, madasha wadatashigu wixii talo ah ee ayna siiyeen waa dhamaatay, waxaanay noqonayaan dadka reer Somaliland ee ka qayb galaya doodaas, waxa aanu ka hadlaynaa Golaha Guurtida oo ilaa cadaroosh oo ah halkii lagu sameeyay ilaa maanta aan lahayn xeer, xeerkii lagu soo gelayay iyo kii lagaga baxayay, waana golaha ugu muhiimsan dalkan, markaa in xeer loo helaa waa muhiim.

Waxa kale oo aanu ka hadlayaa waa diiwaangelinta, si aanay inoogu dhicin tii dhacday Doorashadii golaha deegaanka oo kale waxa aanu ka hadlaynaa diiwaangelinta.

Si loo helo diiwaan gelin abadiya ah oo kii dhintana laga saaro, kii dhashana loogu daro ayaan doonaynaa, nimanka intaas ka cabaadayaa waxa ay doonaysaa xukuumadu in golaha guurtida hadii uu wakhtigu ka dhamaado in ay u kordhiyaan, anaguna hadii dan gaar ah ma wadno ee taas guud uun baanu ka shaqaynaynaa? ayuu yidhi.

?Anagu iyada oo aanay Xukuumadu ogeynba in ay wadada ceergaabo xuntahay iyo in kale ayaanu ku tabarucnay lacag, xisbiga wadani ayuu ahaa isaga oo urur ah kii  ku tabarucay lacag, waxa aanu ugu baaqaynaa cid kasta oo Somaliland ah, cid kasta oo Wadani ah in laga qayb galo dhismaha Wadada ceerigaabo?

Mar aanu waydiinay bal waxa uga Meel yaala Xisbiga Wadani hadii xukuumaddu ay isku daydo in ay xilka ka tuurto Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxa uu yidhi ?Mid baan kuu sheegayaa xukuumaddu Ma doorato guddoomiyaha Golaha Wakiilada  awoodna uma laha ay ku kala bedesho.

Hadii ay dhaqaale Isticmaashana, cida horta doorataa waa golaha wakiilada, hadii ay awood dawladeed iyo dhafar taabad samaysana, tu ka daran bay helaysaa, maamuus ka xayuubinta uu madaxweyne siilaanyo kaga tagayo uun buu kaga tagayaa, inamada yaryar ee beenta isu sheegayaan iyaga ayaa daalaya, cirro sifo sharci ah ayuu ku joogaa Golaha wakiilada Somaliland?ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa waxa uu yidhi ?Waxa kuugu filan Dadkeenu maanta halkee buu ka dhoofaa, markii ay xukuumadani timidna dadkeenu halkee buu ka dhoofi jiray, maxaa isbedelay, dadkeenu maanta waxa uu ka dhoofaa Garoonka diyaaradaha ee Berbera, Diyaaradaheena oo dhan waxa laga raacaa Berbera, diyaaradaha yaryar baa soo fadhiista, faraq u dhaxeeya lacagta intaas le?eg ee la galayay Garoonka diyaaradaha hadii aad hayso soo sheeg adigu? ayuu yidhi

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version