WAJAALE NEWS

Xisbiga Wadani Oo Ku Tilmaamay Muuse Biixi Nin Baradiisu Gugabnayso Oo Asaxbata Mucaradka Kula Soo Galgalanaya

wadaniHargeisa(Wajaale News):-Guddomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Si kulul u Naqdiyey hadal Shalay ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo dooda labada xisbi mucaarid ay abaabulayaan ku tilmaamay shir-beeled..

Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay in ay qabanayaan Shirka Dood qaran cid-na aanay u dabafadhiisnayn qabashadiisa, isaga oo tilmaamay in haddii Xukuumadu diido ka qayb-galka shirkaasi in aanay waxba u dhimayn shirkooda.

Waxaanu yidhi. “Horta Waa nasiib darro, in guddoomiyaha ku-meel-gadhka ah ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, isaga oo muddo badan siyaasada Somaliland ku jiray in uu kala garan waayo shir-beeled iyo dood qaran, laakiin waxaan u malaynayaa Muuse in aanu akhriyinba saxaafadda madaxbaan ee dalkeena Somaliland ka soo baxda, anaga xisbi wadani ahaan ceeb ayey nagu tahay ama xisbiyada mucaaridka ahaanba in aanu ku baaqno shir-beeled dhaqankayagana ma aha, shir-beeleed marka la qabanayo waa marka aanay dawladina jirin, laakiin maanta Somaliland dawlad ayeynu leenahay itaalkay doonto ha lahaate.”Ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey. ” laakiin haddii aanu xisbiyada mucaaridka ah nahay waaxanu ku baaqnay oo aanaan cidna u daba fadhiisanayn, amarna aanan uga qaadanayn in aanu qabano dood qaran oo saxaafada madaxbaan aanu ajandaheedii ku soo bandhignay oo aanay ku jirin wax madmadow ahi, taasi oo lagaga tashanayo aayaha somaliand iyo dawladnimadeena, halka ay marayso wixii inoo qabsoomay, iyo waxa noo dhiman, marka hadalka Muuse Biixi shallay ka soo yeedhay in uu yahay mid meel waayey, Muuse Biixi xaaladiisa waad arkaysaan oo maradiisii ayaa ku gubanaysa geed uu qabsadana wuu la’yahay laakiin in uu cid kale wax ka sheego ma ah, arrinkiisa waxaan u malaynayaa in ay tahay nin daad qaaday xumbo cuskay.”Ayuu yidhi

Guddoomiye Ku-xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed waxa kale oo uu sheegay in Labbada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID ay go’aan ku gaadheen in ay Doodaasi qabtaan, xataa haddii Xukuumada Siillanyo ay diido. Waxaanu yidhi. “Haddii aanu nahay Xisbiyada Mucaaridka ee Wadani iyo Ucidba waxaanu go’aan ku gaadhnay oo aanu guddi u saarnay oo illaa shallay shirkoodu ku jireen in anu qabano shirkaasi haddii ay xataa xukumadu diido, waxaan mar kale ku celinayaa in aanu shirkaasi aanu qabanayno cidna aanan u joojinayn, Laakiin Xukuumada iyo xisbiga Kulmiye ee marwalba ay ka soo baxayso shir tallo qaran ah lama qabanayo, dee shir tallo qaran waa tii shallay kursiga ku fuusheen ee ku guuleysateen, malaha tii uunbay kaga dhegentahay, laakiin anagu wax tallo qaran ah ma qabanayno Ajandahaygana kuma jirto shaqona kuma lihin.”Ayuu yidhi.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version