Hargeysa(W.N): Wasiirka Wasaaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Mudane Cabdilaahi maxamed Daahir Cukuse Ayaa Maanta Iskugu Yeedhay Waaxyaha Farsamada Wasaarada gaar ahaan TV-ga iyo Idaacada Qaranka Wuxuuna Amar Buuxu ku Siiyay in Gabi ahaanba Tv-ga Qaranka iyo idaacada Radiyo Hargaysa Aan Laga sii dayn karin Heesaha wadaniga ah ee ay ka midka yihiin-
Hankaagu Ha Dhaafa Reer Hebel-
Xornimo Sumad Leh– Hargaysoo Siraadan waan Sugayee
Gooni isku taag
Dhulkaagaa lagu Hodmaa-
Talo Maal– Shisheeyaha ka maarmoo nabadaa ku mahadshoo ilaahay miciinsada
Dalkiina u hura waxaad haysaan
Heesta cashuuraha
Heesta tahriibka
heesta ciyaaraha iyo qaar kale oo badan- sida —
Markaan Calan Gaara , Guudka Sudhnee
Goonida Isku Taagnayeen, Go’naybaan
Taladii Garanoon,Hantinay Guushee
Dadyohow Gabigiin, Gacacmaha Is Qabsada-
–
Hadaan Loo Go,in, Godkana Loo Galin,
Hadaan Kuman Geesi, U Mudan Geerida
Hadaan Gobanimo, Guntiga Loo xidhan
Miyaan Guranlayn, Midhaha Soo go,ay
–
Gafiyo Uma Haysto, Ruux Godoboo
Goshayda Xumaan, Kumaan Guntanoo
Gu,baan ku Ilaaway, Geedo Baxshoo
Godkaan Dagaybaa, Shaxdii Galbiyee
Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo Wacyigalintu waxa kale oo u sheegay inaanu arkina karin maqlina karin-
Xornimo Sumadlaa wanaaga Sidoo
Sidkii Midnimaa Sareedo dhaloo
salkaba dhigay Samaha Qarankuye
ALLoow U siyaadi Nabadaa Suganoo
Barwaaqo ku soor, Somaaliland
Wasiirka wasaarada warfaafinta mudane cukuse oo laga yaabo inaanu aad uga fikirin saamaynta uu amarkani ku yeelan karo telefishanka iyo idaacada qaranka- marka laga sii dayn waayo heesaha wadaniga ah ee qarankani hanti ahaan leeyahay- ayaa wuxuu ilaaway wasiirka warfaafintu in marka uu leeyahay kama bixi karaan heesaha uu sameeyay abwaan xasan dhuxul ay saamayn arintaasi ku leedahay dhamaanba kooxda xidigaha geeska
Sababta Keentay arintan ayaa waxa aanu waydiinay Mid ka mida masuuliyiinta waaxda farsamada ee wasaarada waxaanu sheegay inaanu garanayn Balse lagu amray in hees kasta oo uu sameeyay ama uu ka muuqdo magaca abwaan xasan dhuxul aan laga sii dayn karin warbaahinta qaranka ee ay masuulka ka tahay dawladu-
Halkan Ka Daawo Mid Ka Mid Ah Heesaha Wadaniga Ah ee Abwaan Laab-Saalax Sameeyey ee Wasiir Cakusi MABNUUCAY: