WAJAALE NEWS

Xildhibaanadii Taariikhda Markii Ugu Horaysay Xijaab Kaga Qayb Gala Baarlamaanka Turkiga Daawo

Turkiga(Wajaale News):- Afar xildhibaan oo ka tirsan xisbiga dalkaas maamula ee nidaamkiisu Islaamiga qunyar socodka ah yahay, ayaa ka soo xaadiray fadhiga, waxaanay taasi noqotay taariikh cusub oo u soo hoyatay xoriyada aasaasiga ah ee dadka Reer Turki gaar ahaan haweenka, oo ay xayiraadi ka saarnayd inay ku labisan karaan oo jidhkooda asturi karaan, marka ay joogaan goobaha caamka ah iyo dhismayaasha dawliga ah.

Haweenkan ayaa ka mid ahaa Mudanayaashii Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta Turkiga ee

uu hogaaamiyo, Rejab Dayib Ordogan, waxaanay si wayn ugu ololeeyeen sidii dalkaas looga hir galin lahaa, in dumarku iyagoo xijaaban ay ka hawl galaan xarumaha dawlada, sanadkii 2011-kii, ka dibna ay ku guulaysteen ololaas.

Sanadkii 1999-kii ayay ahayd markii xildhibaan haweenay ahayd oo loo doortay baarlamaanka dalkaasi ay ku guul daraysatay, inay xijaab kaga qayb gasho fadhigii koowaad ee baarlamaanka, ka dib markii mudanayaashu si wayn ugu oroyiin, garsooraha Maxkamada sare ee dalkaasina diiday inuu u dhaariyo xildhibaannimada, taas oo sababtay in ay fadhigii koowaad gabi ahaanba ku waydo xilkii loo soo doortay.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version