WAJAALE NEWS

Xildhibaan Cumar Sanweyne Oo Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha Wakiiladda Ku Eedeeyay Inuu Fidmo Ka Dhex Waddo Golaha Wakiilada Somaliland

HARGEISA (WAJAALENEWS)Xildhibaan Cumar  Maxamed San-weyne oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda isla markaana ah Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ayaa sheegay go’aankii Guddoomiye ku-xigeenada Goluhu soo saareen in uu ahaa Fidno Golaha iyo Xukuumadda lagu kala dilayey.

Xildhibaan Cumar San-weyne oo ka hadlaya aragtidiisa go’aankii shalay iyo kii ka horeeyey ee Cirro waxa uu yidhi “Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe shalay go’aan buu halkaas ku soo dhajiyey go’aankaasi qoddobo ayuu ku saleeyey uu leeyahay Guddiyaddii waan baabi’iyey. waxa weeyi baashe isaga lama soo dooran markaa doorashada war uma hayo baashe, dhibaataday leedahay iyo sharcigay leedahay iyo halka loo maro war uma hayo. Waxa weeyi haddii doorasho dhacdo oo la is doorto waa waxaynu dimuquraadiyadda u haysanaa ee aynu u samaysanay, guddiyadda waa la soo doortay golahaana soo doortay waxaanay ahayd go’aana Gole, bishan lixdeedii Goluhu wuxuu saaray guddi, gole waynahaa wuxuu soo jeediyey sidii guddiyadda la isugu bedeli lahaa wuxuu ahaa go’aan Gole Baashena ma goyn karo, waxa uun uu ku buri karaa haddii Dastuurka Somaliland uu ka soo horjeedo laakiin wixii intaa raaca waa go’aan Gole”

Waxaanu Xildhibaanku intaas ku daray “Waa ta koowaade go’aanka Goluhu wuxuu ahaa in Guddiyadda la isku shaandheeyo, laba sideed sanadood ayaan guddiyadaasi la bedelin, sideedaas sanana waxay ahayd sanad kasta in la bedelo guddiyadaasi sida Xeer hoosaadku qorayo, waxa imika loogu hambaabirayba garan maayo anigu, haddii ay dhacday oo guddoomiyihii bedelay isaga ayuu sharcigu siinayaa wax ka bedelaada guddiyada cid la lihi ma jirto laakiin guddoomiye ku-xigeenadiisa wuu la tashan karaa”.

Xildhibaan Cumar Sanweyne oo hadalkiisa sii wata , waxa uu yidhi “Go’aankii uu soo saaray Baashe idinba waad arkayseenoo wuxuu yidhi sanadka u danbeeya iyo ka u horeeya lama bedeli karo guddiyadda dee adeer sanadkii u danbeeyey kuma jirno sannad iyo sideed bilood baa noo hadhay taasina waxay tahay waad arkaysaanoo waa wax uu isagu soo samaystay. Waxa aan leeyahay oo kaliya baashe fidnuu ku soo dhex tuuray Golaha, Goluhu wuxuu ahaa Gole wanaagsan oo la shaqeeya Xukuumadda oo aanay wax dhibaato ahi ka dhex jirin maanta in fidno lagu soo tuuro waxay ila tahay qalad weyn baashaana ka masuul ah.” Ayuu yidhi san-weyne

Hadalkan xildhibaanada kulmiye ugu jira golaha wakiilada ee ay ku diideen go’aankii madaxtooyada laga soo agaasimay ayaa u muuqda mid u cuntami waayey isla markaasna noqday go’aan aanay madaxtooyadu u fiirsanin.

Exit mobile version