Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu soo dhawaynayey xildhibaano uu ka mid yahay oo si rasmiya ugu biiray xisbiga Waddani ayaa waxa kale oo uu ka hadlay isku day dilkii lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo xadhiga agaasimihii xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka marwo Luul Xasan Mataan.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xooga)
Ugu horayn xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog) oo ka hadlaya xeerka saxaafada ee ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu yidhi waxaan halkan ka canbaaraynayaa xeerka saxaafada ee cusub ee ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada Somaliland, golaha wakiiladana dhawr jeer ayaa la hor keenay xeer lagu cabudhinayo saxaafada balse waxaanu ka saarnay ajandaha golaha, saxaafada Somaliland-na barigii hore iyaga ayaa taban taabiyey xisbiga Kulmiye inuu dalka qabsado markaa waxaan garan waayey waxan xukuumadiisa ku daray saxaafada,marka hore waxa laysku dayey in saxaafada layskugu daro xadhig iyo xabad iyada oo la ogaa in la xidhay suxufiyiin badan, markii xadhiga waxba lagaga qaadi waayey xabad ayaa loogu daray, waxaanu loogu daray jidh dil.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey markii waxba lagaga qaadi waayey waxa loo magacaabay waxa loo magacaabay nin yaqaana saxaafada oo xukuumadu ku tidhi mustafayn ku same markii waxba lagaga qaadi waayeyna waxay yidhaahdeen aynu keeno xeer saxaafada lagu cabudhinayo, markaa waxaanu leenahay golihii wakiilada ayaanu nahay idinka yeeli mayno inaad saxaafada cabudhisaan, awoodayadana waxaanu ku hor istaagi doonaa xeerkaas anaga ayaana difaacayna.
Sidoo xildhibaan Xoog waxa uu canbaareyey falkii isku day dilkii lagula kacay xildhibaan Qabile oo ka tirsan golaha wakiilada waxaanu yidhi waxaan canbaaraynayaa isku day dilkii lagula kacay xildhibaan qabile oo ah xildhibaan u hadla dadweynaha oo xaqa sheega, arinkaasina waa mid ku ugub ah Somaliland hadii lagu bilaabana nin waliba waxa uu leeyahay dayday iyo reer, mid walibana afar nin ayuu diri oo mid ayuu hoosta ka toogan dabadeedna waxaynu odhan waa Alshabaab, waxaanan leeyahay arinkaas ha ka laabato, shantii qof ee ka qayb galayna waa in si deg deg ah loo hor keenaa cadaalada.?ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
Ugu danbayntiina waxa xildhibaanku si kulul u canbaareeyey xadhiga loo gaystay agaasimihii xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah ee magaalada Hargeysa isaga oo xukuumada u soo jeediyey inay faraha kala baxdo xaruntaas.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane