|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog Oo Si Kulul U Canbaareeyey Xeerka Saxaafada Ee Ay Xukuuumadu Hor keentay Golaha Wakiilada, Kana Hadlay Falkii Lagula Kacay Xildhibaan Qabile Iyo Xadhiga Marwo Luul
November 3, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News):-xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa si kulul u canbaareeyey xeerka lagu cabudhinayo saxaafada ee ay xukuumada Somaliland hor keentay golaha wakiilada. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo maanta ka hadlayey munaasibad lagu soo dhawaynayey xildhibaano uu ka mid yahay oo si rasmiya ugu biiray xisbiga Waddani ayaa waxa kale oo uu ka hadlay isku day dilkii lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo xadhiga agaasimihii xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka marwo Luul Xasan Mataan. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey markii waxba lagaga qaadi waayey waxa loo magacaabay waxa loo magacaabay nin yaqaana saxaafada oo xukuumadu ku tidhi mustafayn ku same markii waxba lagaga qaadi waayeyna waxay yidhaahdeen aynu keeno xeer saxaafada lagu cabudhinayo, markaa waxaanu leenahay golihii wakiilada ayaanu nahay idinka yeeli mayno inaad saxaafada cabudhisaan, awoodayadana waxaanu ku hor istaagi doonaa xeerkaas anaga ayaana difaacayna. Sidoo xildhibaan Xoog waxa uu canbaareyey falkii isku day dilkii lagula kacay xildhibaan Qabile oo ka tirsan golaha wakiilada waxaanu yidhi waxaan canbaaraynayaa isku day dilkii lagula kacay xildhibaan qabile oo ah xildhibaan u hadla dadweynaha oo xaqa sheega, arinkaasina waa mid ku ugub ah Somaliland hadii lagu bilaabana nin waliba waxa uu leeyahay dayday iyo reer, mid walibana afar nin ayuu diri oo mid ayuu hoosta ka toogan dabadeedna waxaynu odhan waa Alshabaab, waxaanan leeyahay arinkaas ha ka laabato, shantii qof ee ka qayb galayna waa in si deg deg ah loo hor keenaa cadaalada.?ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Ugu danbayntiina waxa xildhibaanku si kulul u canbaareeyey xadhiga loo gaystay agaasimihii xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi jiifka ah ee magaalada Hargeysa isaga oo xukuumada u soo jeediyey inay faraha kala baxdo xaruntaas.
Wajaale News Related posts:Halkan Ka Daawo-Khudbad Uu Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Technologyada Somaliland Ka Jeediyey... Reer Awdal Yaanay Eegin Muraayad Haada Gaadhiga ee Ha Eegaan Xaga Hore Ee Loo Socdo...W/Q:-Saxafi Sa... Rabshado Ciidamada Booliska Iyo Ganacsatada Suuqa Jaamac Gunti Ee Magalada Hargeysa Dhexmaray Iyo Da... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|