WAJAALE NEWS

Xil Wareejintii Wasaaradda Duulista Oo Banaanka Soo Dhigtay In Khilaaf Kala Irdheeyay Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Axmed Dalal Faarax Oo Madaxweynaha Ilaalo Uga Ahaa Wasaaradda Duulista

intii dambeysayna aanu waxyaabo badan wada sixi kari waynay, isna waxaan leeyahay anigu waan ku cafiyay ee adna i cafi.?

 

Hargeysa (Wajaale-news) – Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Duulista Somaliland Axmed Dalal Faarax, ayaa shalay si habaqle ah xilkii Wasaaradaasi uu ka hayey ugu Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee uu dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u caleemo saaray in uu noqdo Bedelka Agaasimaha guud ee uu xilka Ka Xayuubiyay.

Xafladda Xil Wareejinta Labadda Agaasime oo ahayd in uu Goob Joog ka ahaado Wasiirka Wasaaraddaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaan indhaha la saarin, waxaana agaasimaha Guud ee Xilka Wareejinayay Axmed Dalal Faarax uu ku sheegay in uu ku mashquulsan yahay arrimo siyaasadeed, taas oo wakhtigaasi ku

soo beegantay Xisbiga kulmiye oo uu cirka xaaladiisu ku faruur xidhan tahay.

Hadaba Axmed Dalal Faarax oo ka hadlaya waxa dhacay ayaa yidhi ?Agaasimaha cusubna ha la shaqeeya waxaa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa Wasiirka Wasaarada Maxamuud Xaashi Cabdi oo mudadii aanu wada shaqaynay ee hore aanu muddo sanad iyo badha ah si fiican u wada shaqaynay intii dambeysayna aanu waxyaabo badan wada sixi kari waynay, isna waxaan leeyahay anigu waan ku cafiyay ee adna i cafi.?

Hadalka Agaasimihii Hore Axmed Dalal Faarax ayaa dibada soo dhigay Khilaaf ay ku kala dhaqaajiyeen Saaxiibkii Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay muddo ka wada shaqaynayaan Wasaaradda Duulista.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda Duulista Somaliland ayaa bilihii ugu dambeeyay ahayd meel ay shacabka reer Somaliland indho gaar ah ku eegayaan ka dib markii ay iska soo daba dhaceen dhaliilo badan oo dul hoganaya Masuuliyiinta Wasaaradaasi.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

 

Exit mobile version