HARGEISA (WAJAALENEWS.COM)Wefti ka kooban 9-Maayar oo ka kala socday Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Cigal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania
Hargeysa(WAJAALENEWS):-Wefti ka kooban 9-Maayar oo ka kala socday Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Cigal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.
Maayaradan,oo ka kala socday Magaalooyinka Saylac,Boorame,Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, Laascaanood,Iyo Oodweyne waxay Magaalada Tanzania kaga qeybgeli-doonaan shirar ay la yeelan doonaan dawladaha Hoose ee dalkaasi,isla markaana waxay u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqeeyaan dawladaha Hoose si ay macluumad iyo khibrad uga soo korodhsadaan.
Ugu horeyn,waxa halkaasi ka hadlay Cabdilaahi Kaneeco oo ka hadlayey u-jeedada safarka Maayarada iyo waxay halkaasi ka soo qaban doonaan waxaanu yidhi “Weftigan oo ka kooban 9-Maayar oo kala ah Maayarada Saylac, Boorame,Gabiley,Hargeysa,Berbera,Burco,Sheekh,Laascaanoodiyo Oodweyne, waxay tagayaan Dalka Tanzania,gaar ahaan Magaalada Caruusha, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirar Dawladaha Hoose ee dalkaasi yeelanayaan iyo sida ay wax u qabtaan, isla markaana aqoon is-weydaarsina lagu soo kala korodhsan doono”.
|
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Waxaan ku maqnaan doona muddo 7-Cisho ah,waxa naga maqan uun Maayarkii Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,iyada oo aynu ku jirno xili-roobaad oo ay soconayso shaqadii oo Maayar kuxigeenadu sii wadayaan oo ah niman firfircoon”.
Safarkan ay ku baxeen Sagaalka Maayar ee Somaliland ayaa waxa uu ku soo beegnay wakhti uu dalka ka da´ay roob laxaad leh oo dalka soo gaadhsiiyey Khasaare culus, isla markaana lagu hawlan yahay sidii loola tacaali lahaa khasaarahaasi uu roobkii sadexda maalmood dalka ka da´ayey uu sababay
WAJAALENEWS.COM
HARGEISA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM