Wefti Ka Kooban 9-Maayar Oo Somaliland Ah Oo Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Magaalada Caruusha Ee Dalka Tanzania Iyo Masuuliyiinta Ay Kulamada La Yeelan Doonaan. DAAWO SAWIRADAN | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wefti Ka Kooban 9-Maayar Oo Somaliland Ah Oo Socdaal Shaqo Ugu Kicitimay Magaalada Caruusha Ee Dalka Tanzania Iyo Masuuliyiinta Ay Kulamada La Yeelan Doonaan. DAAWO SAWIRADAN
November 17, 2013 - Written by Editor:

HARGEISA (WAJAALENEWS.COM)Wefti ka kooban 9-Maayar oo ka kala socday Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Cigal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania

Hargeysa(WAJAALENEWS):-Wefti ka kooban 9-Maayar oo ka kala socday Magaalooyinka Somaliland ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Cigal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Maayaradan,oo ka kala socday Magaalooyinka Saylac,Boorame,Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, Laascaanood,Iyo Oodweyne waxay Magaalada Tanzania kaga qeybgeli-doonaan shirar ay la yeelan doonaan dawladaha Hoose ee dalkaasi,isla markaana waxay u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqeeyaan dawladaha Hoose si ay macluumad iyo khibrad uga soo korodhsadaan.

u_116103d_2013-11-16-23-49-33f_15

 

Ugu horeyn,waxa halkaasi ka hadlay Cabdilaahi Kaneeco oo ka hadlayey u-jeedada safarka Maayarada iyo waxay halkaasi ka soo qaban doonaan waxaanu yidhi “Weftigan oo ka kooban 9-Maayar oo kala ah Maayarada Saylac, Boorame,Gabiley,Hargeysa,Berbera,Burco,Sheekh,Laascaanoodiyo Oodweyne, waxay tagayaan Dalka Tanzania,gaar ahaan Magaalada Caruusha, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirar Dawladaha Hoose ee dalkaasi yeelanayaan iyo sida ay wax u qabtaan, isla markaana aqoon is-weydaarsina lagu soo kala korodhsan doono”.

 u_116103d_2013-11-16-23-43-52f_13

 u_116103d_2013-11-16-23-41-20f_12
 u_116103d_2013-11-16-23-46-12f_14
Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa,oo ah Maayarka Maayarada  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaanu u baxaynaa annaga oo ka kooban 9-Maayar,Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha iyo qaar ka mida Shaqaalaha Ururka AlKAS ee dawladaha Hoose,waxaanu u baxayna inaan tagno magaalada Caruusha ee dalka Tanzania,waxaanan halkaasi kula kulmi doona Ururka dawladaha Hoose ee dalka Tanzania iyo dalada guud ee Geeska Afrika dawlada-hooda Hoose,annaga oo halkaasi aqoon korodhsi, iyo sidii la isku soo baran lahaa iyo weliba sidii war-bixino la isku weydaarsan lahaa muddada aanu halkaasi joogno”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Waxaan ku maqnaan doona muddo 7-Cisho ah,waxa naga maqan uun Maayarkii Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,iyada oo aynu ku jirno xili-roobaad oo ay soconayso shaqadii oo Maayar kuxigeenadu sii wadayaan oo ah niman firfircoon”.

Safarkan ay ku baxeen Sagaalka Maayar ee Somaliland ayaa waxa uu ku soo beegnay wakhti uu dalka ka da´ay roob laxaad leh oo dalka soo gaadhsiiyey Khasaare culus, isla markaana lagu hawlan yahay sidii loola tacaali lahaa khasaarahaasi uu roobkii sadexda maalmood dalka ka da´ayey uu sababay

WAJAALENEWS.COM

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS