WAJAALE NEWS

“Waxaanu Ula Macaamilaynaa Somalia Sidii Aanu Horeba Ula Dhaqmi-Jirnay Oo Cid Aan Bassport Sidanin Kama Soo Dagi Karto Madaaradda Somaliland” Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.

Hargeysa(Wajaale News):-Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle Sarre Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Cambarro) ayaa go’aan aan meel mar ahayn ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay maalintii Taliyaha Immigration-ka Somalia Mr Gaafaw oo sheegay in dhulkii la isku odhan-jiray Soomaaliwayn oo ay Somaliland ku jirto aan lagu tagi Karin Bassport-ka Somalia, taas oo uu Gaashaanle sarre Maxamed Cambaro ku tilmaamay hadal la iska yidhi oo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha laanta socdaalka ayaa sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Haatuf, isla markaana cadeeyey in go’aanka Muqdisho aanu khusaynin Somaliland.

Waxaanu yidhi “Anaga iyo Somalia waxa aanu kala nahay laba dal oo kala madaxbanaan oo jaar ah, waxaananu ula dhaqmaynaa sidii aanu horeba ula dhaqmi-jirnay oo wax alaala wixii aan Bassport sidanin kama soo dagi karo Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland, mida kale wixii sharci daro ah ama Somalia ha noqoto ama cid kale ha noqoto’e ka aqbali mayno”.

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf mar aanu wax ka waydiinay inuu go’aankan cusub ee Maamulka Muqdisho ka taliyaa ay ku soo rogeen dadkii u soo socdaali jiray Somalia ee Bassport-ka dalkooda ku iman jiray inuu jawaab u yahay oo uu la xidhiidho go’aankii ay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ku joojisay inay dalka yimaadaan dadka sita E-Passport-ka Somalia, waxa uu ku jawaabay “Ma aqbalayno marnaba sida uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland hore u sheegay Passport-ka cusub ee Somalia, mida kale marnaba danaha dadkayaga iyo dalkayaga cidna ugama dabo-fadhiisan doono”.

Dhinaca kale mawqifkan xukuumadda Somaliland ayaa ku soo beegmay xili uu maalintii doraad uu taliyaha laanta socdaalka Somalia Mr Gaafaw amar ku siiyey diyaaradaha iskala goosha Somaliland iyo Somalia iyo shacbiga isticmaalaba inaanay 18-kii gobol ee wixii la isku odhan jiray Soomaaliwayn inaan wax baasaaboor ah loo isticmaali dooninn, isaga oo Somaliland-na ula macaamilaya goboladaas uu sheegay.
Source Haatuf.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com

Exit mobile version