WAJAALE NEWS

DAAWO: Dejinta Qorshaha Wasaarada warfaafinta ee Shanta sanadood

WasaaradaWarfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee JSL ayaa maanta soo gebagebaysay kulan labo maalmood ahaa oo lagu dhammaystirayo dejinta qorshaha horumarinta wasaaradda ee shanta sanadood ee soo socota.

Kulankan oo ay ka qayb qaadanayeen agaasimaha waaxyaha ee wasaarada, la taliyayaasha iyo wakiilo ka socday saxaafadda madax banaan ayaa waxa xidhitaankiisii ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaraddasi Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Md Maxamed Cilmi Aadan.

Exit mobile version