WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah:Roobaba Cabsi Galiyey Dadka Ku Nool Gobolka Sool Oo Ka Da,ay 24Sacadooda Ee Lasoo Dhaafay.

Hargaysa(Wajaale News)Roobab cabsi keenay ayaa ka da´ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaannada gobolka Sool, kuwaasoo sababay in dad badani ay ka barakacaan goobihii ay deeganaayeen.
Roobabkan oo weli da´aya guud ahaan gobolka ayaan geysan wax khasaare ah sidoo kalena ma ahan kuwo wata dabeylo, waxase taagan walaac iyo cabsi xoog leh oo salka ku haysa inay yimaadaan roobab ka awood badan.

Cabsidan ayaa ka dambaysay kaddib markii warbaahinta lagu baahiyay inay jiraan digniino la xiriira duufaanno kasoo tallaabaya bad-weynta Hindiya.

Dadka reer guuraaga ah ayaa laga fogaynayaa dooxooyinka iyo dhulka hoos u qodan si looga samata-bixiyo haddii ay timaado digniinaha laga cabsi qabo oo deegaanno ku yaalla Puntland ku dhuftay.

Wararkii ugu dambeeya ee laga helayo degaannada kua yaalla Bariga Sool ayaa sheega in marba marka ka dambaysa ay soo xoogaysanayaan roobab halkaas ka da,aya.

Waa markii ugu horreysay ee dadku si isku mid ah ay ugu diyaar garoobaan haddii ay timaado in sida la sadaalinayo ay soo tallaabaan roobabka wata dabeylaha oo haatan laga sheegay xeebaha Badweynta Hindiya.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter Abdiwahaab Guuleed Xasan

Exit mobile version