Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Siciid Dahabshiil oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Bbcda ayaa sheegay in uu go?aanka maxkamadda sare uu yahay mid ay soo dhaweynayaan.
Maxkamadda Sare ee Magaaladda London ayaa go?aamisay in aanu Baanka Barclays xidhi Karin Xisaabaadka ay shirkadaasi ku leedahay Bankaasi.
Waxa uu xaakimkii qaadayay kiisku uu sheegay in Baanka Barcalays uu si khaldan u adeegsaday awoodiisa, isla markaana aanu awood u lahayn in uu xidho baanka iyada oo aanay maxkamadi go?aaminin.
Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Siciid Dahabshiil oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Bbcda ayaa sheegay in uu go?aanka maxkamadda sare uu
Dhinaca kale soomaalida ku xidhan shirkadda Dahabshiil ee daafaha dunida oo iyaguna si aad uga dhur sugayay go?aankaasi ayaa soo dhaweeyay, waxaanay ku tilmaameen guul u soo hooyatay xawaaladda Caan baxday ee Dahashiil.
WAJAALE NEWS DESK
HARGEISA OFFICE
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com