Hargeysa(Wajaale News):-ciidamada Police-ka ee dawlada hoose ee caasimada Hargeysa ayaa goor dhawayd xadhig kula kacay sadex suxufi oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee warbaahinta.
Ciidamada dawlada Hoose ee Hargeysa oo saaka ku waa bariistay dadka danyarta ah ee ku ganacsada hareeraha wadooyinka suuqa Waaheen kuwaas oo ay ku amrayeen inay ka fogaadaan wadada halka kuwa kalana laga qaaday alaabta ay iibinayaan iyo qalabka ay ku wadaan oo u badan kaaryoonayaa.
Sida u noo xaqiijiyey mid ka mid ah suxufiiyinan ay ciidamada Dawlada hoose ee Hargeysa xidheen oo la soo xidhiidhay Warbaahinta Somaliland ayaa waxa uu sheegay inay gudanayeen waajibaadkooda shaqo isla markaana gudbinaya wararka la xidhiidha hab dhaqan aan qurux badnayn oo ciidamada police-ku kula kacayaan dadka shacabka ah ee ku ganacsanaya hareeraha waddooyinka caasimada ayey xadhig kula kaceen ciidamada Police-ka ee hawl galadan fulinayey.
Saxafiiyintan ayaa kala ah Khadar Macalin, Axmed Cumar Iyo Siciid Cabdi kuwaas oo dhamaantood ka tirsan Wargeysyada kala duwan ee ka soo baxa caasimada Hargeysa ilaa haatana ku xidhan xarunta dawlada Hoose ee Hargeysa.
Inta badan ciidamada dawlada hoose ee fuliya hawl galada noocan ah ayaa si qalafsan ula dhaqma dadka danyarta ah ee nolol maalmeedkooda ka raadsanaya suuqyada kala duwan ee caasimada, waxaanay kula kacaan ficilo inta badan waxyeela nafahooda iyo hantida ay haystaan iyada oo mararka qaarna ay dhacdo inay ciidamada kala wareegaan guud ahaanba alaabooyinka kala duwan ee ay dadkaasi ka ganacsanayaan iyo qalabka ay u saaran yihiin, iyada oo aan masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada waxba ka qaban falalka noocan ah.
Xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa iyo hogaankooda ayaa wakhtigii ay ololaha doorashada ku jireen waxay shacbiga Somaliland codkooda kaga dalbadeen inay badali doonaan waxyaalo badan oo ka qaldan dawlada hoose taas oo ay ka mid ahayd ficilada haatan lagula kacayo bulshadan danyarta ah ee ka ganacsada hareeraha wadooyinka.