WAJAALE NEWS

TACSI MADAXWEYNE jamhuuriyada smaliland

TACSI MADAXWEYNE

 

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo isku dhac shil baabuur ugu geeriyooday 21/11/2013 agagaarka Tuulada Xamaas ee duleedka Berbera.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii, Qoysaskii iyo qaraabadii ay ka tageena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Waxaanu Madaxweynuhu caafimaad Illaahay uga rajaynayaa dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in uu caafimaad sareecana uu siiyo.

 

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Exit mobile version