WAJAALE NEWS

Suldaan Daahir Oo Qurba Joogta Gabooye Iyo Inta Magaca Gabooye Ku Joogta Qurbaha Ugu Baaqay Inay Qaadhaan Culus Ku Soo Darsadaan Dhismaha Wadada Ceerigaabo.

suldaan xasan khaliifHargeysa(Wajaale News):-Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka somaliland inay ka qayb qaataan horu marka dhinaca wadooyinka ee dalka ka socda.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa waxa uu baaq uqurba joogta beelaha Gabooye ee ku sugan wadamada debada iyo gudaha dalkaba waxaanu ku booriyey inay ka qayb  qaataan horu marka dalka ka socda gaar ahaan dhinaca waddooyinka.

Suldaan Daakir Xasan Khaliifa Ugu horayn Suldaan Daakir Xasan Khaliif waxa uu ka hadalkiisa ku bilaabay inuu bulshada ugu baaqo ilaalinta nabad galyada Somaliland waxaanu yidhi:waxaan ugu baaqayaa guud ahaan shacabka, dawladeena iyo mucaaridkaba inaan ilaashano nabad galyadeena uu ilaahay inagu nimcaysatay ee aynu kaga duwanahay umadaha kale, aynu ka hor tagno wax kasta oo khal khal galinaya nabad galyada dalka.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu ka hadlay horu marka dalka ka socda  waxaanu baaq u diray qurba joogta beelaha Gabooye iyo kuwa gudaha ku suganba isaga oo ku booriyey inay ka qayb qaataan horu marka dalka waxaanu yidhi ?marka labaad waxaan ka hadlayaa horu marka dalka ka socda gaar ahaan dhinaca dhismaha waddooyinka dalka laga dhisayo oo ay ugu horayso wadada Ceerigaabo, waxaan ugu baaqayaa bulsha waynta Somaliland inay ka qayb qaataan horu marka dalka oo ay meel uga soo wada jeedsadaan horu marka dalka oo ay naf iyo maal ku bixiyaan, gaar ahaan waxa uu baaqaygu ku wajahan yahay qurba joogta beelaha Gabooye  ee ku dhaqan dalka gudihiisa iyo debadiisa waxaanan leeyahay horu marka dalka soo qayb qaata gaar ahaan dhismaha wadada Ceerigaabo, wax tarka lagu darsanayo qaybtiina waa inaad ku soo darsataan.

Ugu danbayntiina waxa uu suldaan Daakir Xasan Khaliif baaq u diray dadka qurba joogta ah ee magaca Beelaha Gabooye ku jooga wadamada debada isaga oo u soo jeediyey inay ka soo qayb qaataan horu marka dhinaca wadooyinka ee ka socda dalka waxaanu yidhi ?waxa kale oo aan baaq u dirayaa  umadaha faraha badan ee ku dhaqan wadamada debada oo magaca beeshayada ku jooga wadamadaas balse aan u dhalan beeshayada waxaanan leeyahay maadaama aad magaca beeshayada ku hesheen baasaaboor iyo nolol iyo hanta inay wadada Ceerigaabo ku soo darsadaan wixii dhaqaale ah, waxaanan canbaaraynayaa cid kasta oo dhaleecaynaysa horu marka dalka si kasta haw dhaleeceeyaana, waana in wixii horu mar ah meel looga soo wada jeedsadaa horu marka dalka ka socda, waxaanan leeyahay cida hormoodka ka ah horu marka dalka waa in lagu taageeraa gaar ahaan dhismaha waddooyinka anaguna waanu ka qayb qaadanaynaa horu marka dalka.? Ayuu yidhi suldaan Daakir Xasan Khaliif.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version