WAJAALE NEWS

Qofku Marka uu Diidan Yahay ku dhaqanka sharciga la yaab maaha inu kolba qar iyo buur isku qaado;MUJ CALI GURAY

HARGAYSA (WAJAALENEWS) Qofku marka uu deiidan yahay ku dhaqanka sharciga la yaab maaha inu kolba qar iyo buur isku qaado waa gardiid. Markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay golaha wada tashiga xukuumadda waxay kaga dhegtay lama bixi karaan Gole. Waxay taa ku sababeeyeen Gole waxa la odhan karaa uun sedexda gole qaran iyagoo u jeeday Xukuumadda iyo labada aqal ee Baarlamanka iyada oo xaqiiqadu ay tahay waxa aan lala bixi karin xukuumad ama baarlamaan lakiin Gole uu yahay eray caam ah oo si yaabo badan iyo wax yaabo badan loo bixin karo. Iyagoo ka ordaya khilaaf ayuu goluhu magaciisii bedelay oohalkii golaha u bedelay madasha ee xukuumaddu miyay ku qanacday mise kumay qancin? kumay qancin saw maaha hadaa maxay dadka ugu sheega yeen inay erayga Gole diidanaayeen. Waxa halkaa ka cad in waxa la diidanaa uu sharcga ahaa si loo sarci darro loogu daadifeeyo xaq ay leeyihiin muwaadiniinta Somaliland oo dhami. Miyaan loo qaadan karin in waxa loo ham iyo deg leeyahay ba inu yahay sidii loogu qiil samayn lahaa nidaam ku dhisan talo maroorsi iyo keli talis nimo oo ah ” waxan doonaa waa sharci xataa hadii uu shaqrci darro yahay. Waxan diidaa na waa sharci darro xataa hadii uu sharcu yahay”Iyaga oo Golaha Wada Tashigu ka duuulayay dhibaatooyin qaran oy ku soo koobeen 16 qodob ayay ku baaqeen shir wada tashi qaran ka dib markii ay waayeen cid ka wax ka hoos qaada, gaar ahaan dhinaca xukuumadda iyo madaxwaynaha. Hadana qaylo ayaa laga wareegay af legaado iyo cayna waa loogu daray. Iyagoo xeerinayay wax badan ayay is yidhaahdeen waar bal waatan idinka la idin leeyahay waa sharci darro eh xaga mucaaridka oo marka hore ba arkayay baahidav loo qabo wada tashi guud oo xaaladda dalka ah is yidhaahdeen bal kuwanay malaha sharci u arkaane xagooda kula ciira oo u bandhiga aragtidiina, waana halka ay ka dhalatay in labada xisbi ee mucaaridka ehi ay ka bilaabeen inay weada jir u qaban qaabiyaan dood cilmiyeed ay u magac bixiyeen Dood Qaran ama sida ay dadka qaar yidhaahdaan Shir wada tashi qaran oo ah madal u furan dhamaan aragtiyaha kala duwaan. Iyagoo ka been sheegaya arinka ayay halkoodii ka miiseen lama qaban karo shir beeleed. Shir qaran ma qaban karaan, waa sharci darro. Waxaas ayay shubeen iyaga oontii hadashay aan mid qudh ihi daliil sharci oo cad sheegin.
Hadaba, anigu waxan leeyahay hadii sidan lagu sii socdo oo dhinaca mucaaridku na sharciga ixtiraamo oo xataa uga tanaasulo xuquuqo badan oy leeyihiin, dhinaca xukuumadu na RRU iyo xadhig iyo xabad uun ku ordaan sidaa xaalku toloww hadaba noqonayaa?. Waxa iman iyadoo la leeyahay Xisbi Qaran lama odham karo kuwa mucaaridka ah ee ka xukuumadda oo keliya ayaa xisbi qaran la odhan karaa. Anigu waxba garan maayo waxan se leeyahay ” MUGII WEEL MA DHAAFEE ALLOW MOOSKA YAAN JEBININ
          WAJAALENEWS.COM
WAJALENEWS@GMAIL.COM”
Exit mobile version