WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay In Dhaqaalaha Soo Gala Burcad Badeeda Loo Adeegsado Falal Amni Darro Ah.

Muqdisho(Wajaale News):-Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dhaqaalaha ugu badan ee soo galaya kooxaha burcad badeeda Soomaaliya in loo adeegsanaayo waxyaabo Qatar gelin kara amaanka dalal ku yaala Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Warbixintan ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhibaatooyinka ka dhacaya xeebaha Soomaaliya  oo ay geeysanayaan kooxaha burcad badeeda ah ay sii kordhisay dhaqaalaha soo gelaya  kooxaha burcad badeeda Soomaalida muddo 7 sano gudahood ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqaale
gaaraya 939 ilaa 419 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah ay soo galeen burcad badeeda Soomaalida Todobadii sano ee la soo dhaafay,  waxaana warbixintaasi soo saaray xafiiska la socodka arrimaha kotorabaanka aduunka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta ayaa lagu xusay in bankiga aduunka iyo booliiska oo loo yaqaano Inter Bol oo la xiriiray rag ka tirsanaa burcad badeeda iyo xubno u dhaqdhaqaaqa bulshada ay sheegeen iney sii kordhayaan dhaqaalaha ay burbacad badeedu ka helaan Maraakiibta ay afduubtaan

Madaxa hey?ada la so socodka kotorabaanka aduunka ninka lagu magacaabo Tofid Marshulu ayaa wax uu sheegay in arimahani ay sii kordhineyso qatarta la xiriirta dhinaca amaanka, wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaalahaasi faraha badan ee ku dhacaya gacanta burcad badeeda loo adeegsan karo dhibaatooyin kala duwan sida in hub si sharcidaro ah lagu soo geliya dalka.

Wadamada lagu xusay iney ka dhacaan falalka burcad badeednimo ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya Djabuuti Kenya Ethiopia iyo Jasiirada Schelis.

Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version