WAJAALE NEWS

Milicsiga Burburkii Xisbiga Udub, U Gurmad La,aantii Gudoomiye Saleebaan, Garab Saarka Kulmiye Ee Maanta Iyo Mucaaridadii Lagu Yaqaanay Oo Shiikhday.

 

 

 

Hargeysa(Wajaale-News):-gudoomiyaha golaha Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudooyinkii u danbeeyey ka dhex muuqday xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye isaga oo dedaal dheeraad ah ugu jira sidii loo soo af jari lahaa khilaafka hadheeyey xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

 

Hargeysa(Wajaale-news):-gudoomiyaha Golaha Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan  ayaa mudooyinkii u danbeeyey ka dhex muuqday xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye isaga oo dedaal dheeraad ah ugu jira sidii loo soo af jari lahaa khilaafka hadheeyey xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Gudoomiyaha golaha guurtida oo intii ay jirtay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo aan la soo bixinmucaaridnimadii uu kala hor iman jiray madaxweynayaashii hore ee soo maray  isaga oo golaha guurtidana wakhtigan ka dhigay mid ka gaabiyey hawlihii ay u hayeen dalka.

Hadaba wixii ka danbeeyey doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday sanadkii 2010-kii waxa xukunka iska wareejiyey xisbigii ugu da?da weynaa ee Somaliland  kaas oo ahaa xisbigii Udub iyada oo burburka xisbigaasna uu sabab u ahaa khilaaf kala irdheeyey hogaanka sare ee xisbigaas kaas oo ugu danbayntiina saaxada siyaasada ka saaray xisbigaas iyada oo gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan aanu wax gurmad ah u fidin khilaafka kala irdheeyey masuuliyiinta xisbiga Udub taas oo uu ku daawanayey ilaa aakhirkiina uu xisbigaasi ku danbeeyey mid burburay.

Hadaba shacabka Somaliland ayaa is waydiinaya sababta uu gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland maanta ugu kala gurmanayo garabyada isku haya xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye isaga oo aan u gurman xisbigii ugu da?da weynaa Somaliland ee Udub wakhtigii uu khilaafku soo kala dhex galay, taas oo inta badan shacabka Somaliland ay ku tilmaamayaan inuu dawlada Axmed Siilaanyo ka ilaalinayo inay la soo darsaan khilaafaad sababi kara inay wadi kari waydo hawlaha loo igmaday, iyada oo gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan aanu ilaa hada mar kaliya  aanu xukuumada kala hor iman mucaaridad adag oo la mid ah tii uu kala hor tagi jiray xukuumadihii ay kala hogaamin jireen alle haw naxariistee Madaxweyne Cigaal iyo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyada oo taasna loo sibir saarayo inay isku beel ka soo wada jeedaan madaxweyne Siilaanyo iyada taasina ku kaliftay inuu garab istaago xukuumada isla markaana mararka qaarkood ka difaaco dhaliilaha kaga yimaada mucaaridka.

Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa loo fasiran karaa in ujeedada ugu weyn ee uu u dhex galay inuu soo af jaro khilaafka xisbiga Kulmiye ay tahay sidii uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo uga ilaalin lahaa inay ku kacaan duufaano siyaasadeed oo ka bilaabma xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye taas oo uu uga baqayo inay saamayn taban ku yeelato xukuumada madaxweyne Siilaanyo, iyada oo gudoomiye Saleebaan uu caan ku  yahay difaacida xukuumada iyo inuu mar walba uga gurmado dufaanada siyaasadeed eek u kaca  xukuumada iyada oo wakhtigii ay siyaasiyiinta madasha wada tashigu isku yimaadeena uu xukuumada gurmad deg deg ah ugu  yimid.

Hadaba maxay ku kala duwan yihiin xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ee uu gudoomiye Saleebaan mar kastaba ka ilaalinanayo duufaanada siyaasadeed ee ku kaca iyo xukuumadihii hore ee Somaliland kuwaas oo uu mucaaridad adag kala hor iman jiray isla markaana wakhtiyada qaarkood ku baaqi jiray shir beeleed uu sheegi jiray in lagaga tashanayo xukuumadahaas. 

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US ”  Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version