WAJAALE NEWS

Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Raadadka Siyaasadeed ee Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga oo hore u ahaa Wasiirka Khaarajiga Somaliland? Qalinkii Sareiye Sheikh Hussein Austria . Vienna

Dr Maxamed Cabdilahahi Cumar Waxaa lagu Xasuusan doonaa Heerka uu Gaadhsiiyay Hanaanka Siyaasadeed ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo iyo Guud ahaan Somaliland intii uu hayay Xilka Wasiirka Arimaha Dibada oo uu Xadhiga ka jaray badaro badan oo ku Xidhnaa Wadanka iyo ilo Dhaqaale u furay Somaliland dhinaca Xidhiidhka Wadamada Horumaray iyo Iskaashigooda.
Dr. Maxamed Abdilahi Waxa uu Ku Talaabsan jiray inuu Siyaasadiisa ku Jaangooyo Isbadalada Dunida ka dhacaya iyo Sidii looga Faa,iidaysan lahaa Falgalka isbadalaasi isaga oo ka hortagi jiray wixii Dalka Waxyeelaya kana soo qaadan jiray inta Dantu inoogu jirto, Tusaale gaaban Haddii aynu usoo qaadano shirkii London iyo shirarkii kale ee Dunidu u gabatay Somalida oo iyo doorkii ay Somaliland ku lahayd.
Wasiir Maxamed Somaliland waxa uu Sameeyay Suuq Gayn fiican iyo Saaxiibo la isku halayn karo oo Difaaca Qadiyada iyo Gooni isku taageeda kuwaasi oo Dunida magac iyo maamuus ku leh lana dhagaysan karo Soo jeedimohooda, Dr.Maxamed isaga oo Adeegsanaya Khibrada iyo Aqoonta Siyaasadeed ee uu uleeyahay Xidhiidhka Caalamka oo uu Takhasuskiisa Waxbarasho ahaa waxa uu Jeexay jidad badan oo Somaliland horumar ku gaadhi karto dhinacyada Dhaqaalaha iyo Suuqaynta Siyaadeed.
Taariikhdu waa Ma Guurto Wakhtiguna Waa Markhaati Kolay Somalidu waa Xabaalo amaan oo Waa laga indho saabaa inta uu Qofku noolyahay in ay Sheegaan Wanaagiisa iyo Waxtarkiisa balse Waxaan marna la iska indho tiri Karin Doorka uu Maxamed C/laahi ka Ciyaaray Kobcinta Dhaqaalaha iyo Deeqaha Caalamku siiyaan Somaliland iyo Heerkii ay taagnayd markii ay Xilka la Wareegeen.
Dr.Maxamed Abdilahi hadda Waa Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, Wasaarada Ganacsigu waxay ahayd Wasaarada indhaha isku qabsatay oo aan Aduunyada Xidhiidh la lahayn balse waxa uu Maanta wadanka Ku soo Xidhay Shirkado Caalamiya iyo maalgashadeyaal cusub oo dhawaan ka iman doona Dalka Turkey-ga kuwaasi oo kaalin mugle ka Qaadan doona Koboca Dhaqaale ee Dalkan Curdinka ah ee Somaliland, Wasiirku waxa kale oo Wasaarada Gaadhsiiyay Heerkii ugu Sareeyay ee ay Abid gaadho iyada oo si Rasmi ah uga shaqaysa hadda Maalgashiga iyo Ganacsiga Wadanka oo Casriyaysan lana jaan qaadaya ka Aduunyada.

Waxaad la socotaan in dhawaan shirkii Turkeyga Wasiirka usoo bandhigay Ra,iisal Wasaaraha Dalka Turkeyga in Somaliland laga Caawiyo jidadka gaar ahaa jidka Ceerigaabo oo ah jidka ugu dheer ee maanta qabyada ah kaasi oo ay ku guuleysteen in ay balan qaad fiican ka helaan oo la filayo inuu Dhamaystiro jidkaasi.
Isku soo wada duuboo Wasiir Maxamed Abdillahi Omar Waxa uu ka mid yahay Rukunada Horumarineed ee Maanta Somaliland qadiyadeeda halkaa gaadhsiiyay waa mid uu ku mutaystay muwaadinimada iyo lexejeclada uu wadankiisa ka qabo oo aanu cidna abaal kaga doonayn, Taariikhdaana xusi doonta marka wakhtigiisu dhamaado, laakiin waan qalinka uqaaday inaan ku hambalyeeyo uguna duceeyo in illaahay la garab galo hawlaha culus ee uu qaranka u hayo.

Qalinkii Sareiye Sheikh Hussein
Austria . Vienna

Exit mobile version