WAJAALE NEWS

Marwada Madaaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jire Oo Maanta Deeq Makiimadaha Dawaarka Dharka Ugu Deeqdey Ururka Haweenka Qaranka Now ee Gobolka Gabiley

Gabiley waa magaaladeydii waa gobolkeygii aad iyo aad baan u jeclahay marwalba,wixii karankayga ah waan la qabanaayaa.”ayey tidhi marwo Aamin waris

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Gabiley (Wajaale-News)     marwada Madaxweynaha Somaliland Aamin maxamuud jire ayaa maanta deeq makiimadaha dawaarka dharka ah loo isticmaalo ugu deeqdey curyaamiinta kala duwan ee kunool gudaha magaalada gabiley, deeqdani oo lagu wareejiyey masuuliyiinta ururka hawenka qaran now ee gobolka gabiley, waxaa xafladii deeqdani lagula kala wareegey oo lagu qabtey hoolka shirarka dawlada hoose ee degmada gabiley.

Ugu horeyn waxaa halkasi ka Hadley badhasabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi waxaanu marwada madaxweynaha ku bogaadiyey safarkeeda ay ku timid gobolka gabiley, waxaanu yidhi” kusoo dhawaw gobolkaagii marwo runtii safarka aad noo soo gadhay waanu kuu oganahay waanan kusoo dhaweyneynaa, qalabkan aad ugu deeqay curyamiinta magaalada gabiley ee aad u wakiilatey ururka haweenka qaranka now.”

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka now ee gobolka gabiley sahra cabdi buuni oo halkaasi ka hadashay ayaa balan qaadey inay uga faa,iideyn doonaan dadkii loogu talo galey, waxaaney u mahadcelisay marwada madaxweyaha ee ugu deeqdey qalabkaasi.

Marwada Madaxweynaha somaaliland Aamin waris oo halkaasi ka hadashay ayaa balan qaadey inay wixii karankeeda ah ay la qaban doonto bulsho weynta ku dhaqan gobolka gabiley waxaaney tidhi” maanta waxaa halkan ku wareejinayaa makiinadaha dawrka dhar loo isticmaalo oo casri ah oo loogu talo galey iny dadka curyamiinta ah la baro, is ay ugu adeegan karan, waxanan ku wareejinayaa gudoomiyaha ururka haweenka qaranka ee gobolka gabiley sahra cabdi buuni iga gudoon.”ayey tidhi marwada madaxweynaha Somaliland Aamin Waris

Exit mobile version