WAJAALE NEWS

Madaxweyneha Somaliland Oo Furay Mashruuc lagu horumarinayo Caanaha Xoolaha

IMG_7098-300x217Hargeysa(Wajaalenews):-Madaxweyneha Jamhuuriyadda  Md.Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shalay  furay Mashruuc balladhan oo  lagu horumarinayo caanaha xoolaha ee dalkan somaliland oo uu  ka furay Hotel Maansoor ee magalada Hargeysa, Mashruucan waxa Maal-gelinaya Midowga Yurub iyo Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay, waxaana ku baxaya lacag ka badan 4 Milyan oo EURO.

Munaasibad balaadhan oo mashruucan lagu furay ayaa lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, wefti ka socda Hay’adaha Midowga Yurub, wasiiro ka socda Xukuumadda  iyo khabiiro ku xeel dheer dhinaca xanaanaynta xoolaha,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir Cali oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani wax badan ka tari doono tayaynta iyo ka faa’idaysiga Caanaha xoolaha, kuwaasoo dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa ka ganacsada Caanahaasi  laga caawinayo nadiifinta agabka ay u isticmaalaan iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa`iidada ay caanuhu u leeyihiin bulshada reer somaliland isla markaana ay muhiim tahay in la horu mariyo tayada caanaha xoolaha,isla markaana la caawiyo dadka ka ganacsada caanaha ee soogaliya suuqyada lagu kala iibsado

wajaalenews.com.

Exit mobile version