WAJAALE NEWS

DAAWO: Wasiirka Madaxtooyadda Oo Beeniyay Inuu Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Qaar Ka Tirsan Saxaafadda ,Kana Hadlay Hankiisa Siyaasadeed.

Hargeysa(Wajaalenews) -Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa markii u horaysay ka hadlay war ku saabsan shir uu la qaatay wariyeyaal ay isku hayb hoose yihiin, kuwaasi oo la sheegay inuu ka dalbaday taageero, sidoo kalena kula dardaarmay inay indho gaar ah ku eegaan rag ay hanaan siyaasadeed isku hayaan.

https://youtu.be/aBOgqfDVaEo

 

Wasiir Xirsi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa su’aasha ku saabsan kulanka uu la qaatay suxufiyiinta ay isku haybta yihiin sidan uga jawaabay  “Midna ma arag, kooxna ma arag. Waana mishkiladda dadka abuuraya qabyaaladda iyo qudhunka, kuwaas ayaa ku adeeganaya, waxay tidhaa Soomaalidu tuug intaanad tuug ku odhan ayuu tuug kugu yidhaa waa mid isagu qabyaaladda ka shaqaynaya, anigana saxaafaddu way ii siman tahay mana jirto cid iyo koox aan gaar u arkay,” ayuu yidhi Mudane Xirsi.

 

Exit mobile version