HARGEISA(WAJAALENEWS)Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Maxamed Muuse Abees ayaa waxa uu kormeer shaqo oo ka war hayn iyo indho indhayn ah ku soo maray meelaha ay ka socoto dayactirka wadada berbera iyo Hargeysa u dhaxaysa iyo weliba meelaha daadadku waxyeelooyinka u geysteen oo uu ku soo maray galabta gelinkii danbe wasiiru-dawluhu isaga oo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo, kuna wehelinayeen masuuliyiin kala duwan oo ka socday Hay’adda Wadooyinka Somaliland iyo Engineeradii ku hawlahaana wadada.
Kormeerkan shaqo oo ahaa mid qiimihiisa leh ayaa u jeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa dhismayaasha wadooyinka ee ka socda dalka gaar ahaan tan uu maanta wasiiru dawluhu boqasahda ku tegay isaga oo indhaha soo saaray halka ay hawluhu marayaan iyo siday wax u socdaan oo noqotay mid uu wasiiru-dawluhu la dhaco una qushuuco.
Maxaa yeelay waxa uu soo kormeeray dayactir xoogan oo lagu sameeyay wadadii dhaawaca iyo burburka u badnayd ee u dhaxaysay labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Saaxil soona kormeeray ilaa lafa-ruug waxaanu engineeradii la socday uu faray in la gaadhsiiyo sida ugu dhakhsaha badan inta dayacan ee u baahan in wax laga qabto dib u dhiskan cusub.
Sidoo kale waxa uu wasiiru-dawluhu soo kormeeray meelo dhawr ah oo u baahan in wax laga qabto sida ugu dhakhsaha badan meelahaas oo ahaa meelo daadku waxyeelo soo gaadhsiiyey dhaawacyo laxaadlehna ay ka muuqdaan hadii aan degdeg wax looga qabana ay dhibteeda leedahay.