WAJAALE NEWS

Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Australia oo dhambaal Tacsi ah u diray geerida marxuum Ahmed Mohamed Adan Qaybe

somalilandAustralia: (Wajaale News) Anigoo ku hadlaaya magacayga iyo magaca ururka Somaliland Australian Friendship Foundation. www.somalilandfoundation.com Iyo magaca dhamaan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalweynaha Australia. Waxaan halkan aan tacsi tiiraanyo leh aan uga dirayaa marxuum Ahmed Mohamed Adan Qaybe. Waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu marxuumkaas samir iyo iiman ka siiyo dhamaan, Ehelkii iyo Qoyskii iyo Qaraabadii iyo dhamaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxay.

Mr Qaybe oo run ahaantii ahaa muwaadin aad loo wada yaqaan taariikh nololeedkiisii uu ku

lahaa Somalia iyo Somaliland labadaba, oo run ahaantii ahaa Rug cadaa siyaasi ah aadna looga yaqaanay dhamaan geyiga Somalidu degan oo dhan. Waxa uu runtii ahaa shaqsi aaman, xushmayn iyo qadarin intaba ku dhex lahaa dhamaan bulshada reer Somaliland ee uu maanta ka baxay.

Hadaba waxaan ilaahay uga baryeynaa in uu marxuumkaas qabriga u waasiciyo isla markaasna uu janadii fardoowsa ka waraabiyo, ehelkii, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxayna uu samir iyo iimaan dhamaantood ka wada siiyo. Aaamiin. Aamiin. Aamiin.

Waxaan ugu danbayntii aan halkan si gaar ah aan tacsi ugu dirayaa qoyska reer Qaybe meel kasta oo ay joogaan. Waxaanan ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan dhamaantiin idinka wada siiyo geeridaas naxdinta leh ee ku timid Marxuum Qaybe. Waxaan marxuukana aan ilaahay uga baryaynaa  in uu raxmaanku geeyo janatul Fardowsa.

What an awful shock and totally unbearable lost to a nation…. No matter what you do, No matter who you are…No matter where you go, When your time is up? you are not  gonna escape from your day !!!…. May Almighty Allah have mercy on his soul. Ameen.

MA DHINTE WAA ILAAHAY !!!!!

Wajaale News
Hargaysa Office
Info;wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

Exit mobile version