WAJAALE NEWS

Halkan Ka Bogo Taariikhdii Marxuun Axmed Maxamed Aadan(Qaybe) Oo Kooban isagoo Saaka Marxuunku Hargaysa Ku Geeryooday.

Alle ha u naxariistee waxaa saaka 6:30 subaxnimo magaalada hargeysa ku geeriyooday Marxuum Ambassador Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Somaliland.

Hargaysa(HWN):- Alle ha u naxariistee waxaa saaka 6:30 subaxnimo magaalada hargeysa ku geeriyooday Marxuum Ambassador Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha wakiilada Somaliland si weyna looga yaqaanay deegaanada ay Soomaalidu degto iyo daafaha caalamkaba, waxaana maalinta burrito ee Arbacada lagu aasayaa magaalada hargeysa iyadoo Madaxweynaha Somaliland u aaskiisa u magacaabay Guddi heer qaran.

Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo siyaasadda Soomaalida safka hore kaga soo jiray tan iyo sanadkii 1960-kii. Taariikdiisa oo balaadhnayd hadii aynu dulmarno

 

Sanadkii 1930-kii waxa uu ku dhex dhashay saldhig millateri oo lagu magacaabi jiray ?Royal Naval Station?, oo ku yaallay Xaafadda Khoor-masar, ee magaalada Cadan, oo ahayd xeradii aabbahii ka shaqayn jiray.

Yaraantiisii waxa uu ku kacaamay magaalada Cadan illaa uu kaga baxay dugsiga sare, waxa uu muddo kooban ka shaqeeyey radio hargeysa, sanadihii dhamaadkii afartameeyadii isagoo dib ugu noqday dhanka magaalada Cadan,

, Sanadihii Kontomeeyadii waxa uu ku soo noqday hargaysa isagoo ka shaqeeyey xafiiskii DC-ga,

1956-dii waxa uu noqday Xoghayihii Dawladda hoose ee Degmada Berbera, markaa ka dibna waxa uu deeq waxbarasho ka helay jaamacad ku taalla magaalada london ,markii uu soo dhamaystay jaamacadda waxa uu noqday xoghaha baarlamaanka Somaliland, isagoo sidoo kalena xoghaye u ahaa gudidii dalacaadda iyo waxbarashada dibadda.

Janaury 1960-kii ayuu London dib ugu noqday si uu xeer hoosaadka baarlamaanka ingiriiska u soo barto.

Intii u dhexaysay sanadihii 1960-1985 Waxa uu dalkii la isku odhan jiray Somalia safiir u ahaa Muddo 25 sanadood ah isagoo ka soo shaqeeyey dalalka Midowgii Soofiyeeti, Maraykanka, Ingiriiska iyo Qaramada Midoobay, muddo shan sanadood ahna waxa uu ahaa xoghayahii joogtada ahaa ee wasaaraddii Arimaha Dibadda ee dalkii Somalia , muddo lix bilood ahna waxa uu ahaa wasiirka arimaha Dibadda.

Sanadkii 1997-dii oo uu ku soo noqday Somaliland waxa uu muddo sided sanadood ahaa Gudoomiyihii Golaha wakiilada ee JSL. Isagoo door lama illaawaan ah ku lahaa diyaarintii Dastuurka Somaliland oo uu ka mid yahay sadexda mas?uul ee ku saxiixan Buuga dastuurka qaranka

Naxariistii Janno allah ha siiyo?e waxa uu saaka ku geeriyooday Magaalada hargeysa, waxaana maalinta berrito aas qaran loogu samaynayaa isla magaalada hargaysa iyadoo uu madaxweynaha Somaliland u magacaabay Guddi ka tirsan Dawladda oo qaabilsan aaska Marxuumka.

Bahda Shabakada Wararka Ee Hadhwanaagnews waxa ay tacsi u dirayaan Eheladii, Qaraabadii Iyo Guud Ahaanba Shacabka Somaliland ee uu marxuunku ka baxay.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Exit mobile version