DOODA QARAN EE XISBIYADA MUCAARADKA AHI QABANAYAAN WAA DARUURI
Wariye:
DOODA QARAN EE XISBIYADA MUCAARADKA AHI QABANAYAAN WAA DARUURI
Marka hore waxan salaamayaa dhamaan warbaahinta ku hadasha afka somaliga ee sida wacan noogusoo gudbisa arimaha aanu u baahanahay inaanu wax ka ogaano
Markaan hoos ugu daadego arinta igu kaliftey inan wax ka qoro manta oo ah shika qaran ma yahay mid lo bahan yahay, mise maaha, aniga waxay ila tahay
Kadib markii ay dawladda qabatey xisbiga kulmiye, waxa soo if baxay waxyaalo aad u tiro badan oo u baahan ka tashi, wax aka mid ah arimaha dhalinyarada aan anigu ka midka ahay ee jamacadohodi dhamaystey hadana shaqada aan haysan, ee ay ku keliftey inay badda isku tuuraan oo tahriibaan oo ay waalidiintoodii ka dhuuntaan, oo ay u baxsadaan debedaha, iyagoo filaya in meshaas ay nolol tan dhaantaa taalo, waxa kasii daran oo ka mida Qabyaaladdii oo xadhkaha so goosatey isla markaana dhex gashay qayb kasta oo ka mida hayadaha dawladda Somaliland isla markaana noqotey qaab cusub oo loo taajiro layskuna shaqaaleeyo, waxa kasii mida oo kale siyaasaddii arimaha debedda Somaliland oo ay dakharo badani ka muuqdaan isla markaana ay jar ka dhacday qadiiyaddii Somaliland, sidaa awgeed waa loo baahan yahay maahee waa daruuri iyo lagama maarmaan hawshan qaran