WAJAALE NEWS

Golaha Guurtidu Muxuu Dalka U Qabtaa ?

Golaha Guurtidu hor ta yuu metelaa ?
Ma gole qabaa’ilka ka wakiil ahbaa ?
Mise waa gole shacabku leeyahay oo sharciya ?
Mise waa gole xukuumadda u shaqeeya oo meesha u fadhiya ?
Mise waa gole dhaxal ah oo isagu is-doorta ?
Mise waa gole dhexdhexaad ah oo aan xisbina ka soo jeedin C?
Hadaba waxa weeye in la qayaxo golaha guurtida ee dalka u

sareeyaa , waa maxay sharciyadda uu meesha ku fadhiyaa ?
Waana maxy shaqadiisu ?
Waa maxay shaqada uu dalka u qabtaa imiGolaha guurtidu muxuu khasanka ?
Waxan soo jeedin lahaa in cilmi baadhis lagu sameeyo golaha guurtida in loo baahan yahay iyo in kale ?
Waa in doodo laga sameeyaa golaha guurtida ee shaqadiisu noqotay in uu la dagaalamo Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka iyo in uu habeen iyo maalinba u heegnaado sidii uu doorashooyinka dib ugu ridi lahaa .
Arintaas oo isaga(golaha guurtida) u dan ah .
Golaha guurtidu muxuu faa’iido u leeyahay dalka Somaliland haddii uu sii jiro ?
Golaha guurtidu muxuu khasaare ah ee keeni karaa , haddii la baaabi’iyo ?
Golaha guurtidu muxuu u jiraa ee u taagan yahay , ? kol haddii uu noqday iminka gole qabiil , oo uu ka tegey dhexdhexaadkii iyo nabad gelyadii loo igmaday ?
Kol haddii uu noqday iminka gole khilaafaadka iyo nabad-gelyo darada abuura ? maxaa looga baahan yahay sii jiritaankiisa ?
Su’aalahan iyo su’aale kale oo fara badan ayay bulshada reer Somnaliland beryahan iyo beryahan-ba is-weydiinayeen .
Hadaba waxa xisbiyada mucaaradka looga baahan yahay in ay dood qaran ka furaan arinta golaha guurtida , ummaddana u soo bandhigaan dood aqoon iyo garaad sareeya ku salaysan oo sharciga waafaqsan oo arintan golaha guurtida ku salaysan .
Waa in dood qaran laga furaa , arinta golaha guurtida , waa in uu noqdo gole sharci ku fadhima , oo la soo doorto , oo xisbiyada ka kooban .
Waa in uu noqdo gole dimuqraadiyadda la jaan qaadi kara ., ama gole laga maarmay , oo
Ummadda reer Somaliland waxay u baahan tahay in ay jawaabo saxa ka hesho su’aalahan iyo qaar kale oo badan-ba

cali maxamed biixi
caliwweli@hotmail.co.uk

Exit mobile version