Dadkaasina inay Somaliland u hiiliso ayay u baahan yihiin, Puntland ayaana isku wareejisay oo dhul badan
Hargeysa(wajaalenews):- la taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Gobolada Barri Fu´aad Aadan Cadde ayaa sheegay in tiro 10 Ruux ka badani ku dhinteen dagaalo ka dhacay Taleex.
|
ku sheegay waraysi uu isagoo ku sugan Degmada Xudun siiyay wargeyska Saxansaxo.
?waxbaa ka dhacay Taleex iyo meelaha u dhaw oo Puntland ayaa soo werartay. Dad ilaa dhawr iyo toban ah ayaa lagu dilay ahlkaas,dadkaasina dad Somaliland ah oo la laynayo weeyaan. Haddii uu dhulbahante ama khaatumo ha sheegteena uu kaligii taagan yahay cida ay u socdaan ama ha laa dagaalamaan ama yaanay la dagaalamine waa Somaliland.
Taleex waa Somaliland dadkuna waa Somaliland, Xuduuduna waxay ka shishaysaa 90Km. Xuduudu maaha Xudun iyo Laascaanood, Dadkaasina inay Somaliland u hiiliso ayay u baahan yihiin, Puntland ayaana isku wareejisay oo dhul badan ayay imika haysataa. Inay Xudun soo weerarto Qorshaha ayay ugu jirtaa Puntland dadkaasina in wax laga celiyo ayay u baahan yihiin oo loo tago dadkaas magaaladoodii lagu soo duulay.? Ayuu yidhi Fu?aad Aadan Cadde
Waxa uu fu?aad Aadan Cadde sheegay inuu Degaanka Taleex uu khadka Telefoonka kula xidhiidhay. ? Taleex waan la hadlay oo waxay leeyihiin Majeerteen ayaa na laayay oo Puntland ayaa nagu soo duushay oo xogaa cudqad ah ayaa iska jirta.? Ayaa ka mid ahaa dalka Fu?aad Aadan Cadde.
Waxa intaasi raaciyay la taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Barrie e Somaliland in Tiknikadii Puntland dadkaasi oo weerartay islamarkaana si gaadmo ah u u soo gashay degaanadaasi iyagoo xuduuda isku baahiyay. Waxa uu Xukumadda Somaliland u soo jeediyay in Dadkaasi ay wax ka celiso ama aanay sheegan in xuduudu ka shishayso. Kuwaasi oo uu tilmaamay in dhaawacoodii meel la geeyo la garan la?yahay.
Fu?aad Aadan Cadde waxa uu meesha ka saaray in dagaalku u dhexeeyo Maleeshiyaad ka kala tirsan Khaatumo.
Fu?aad Aadan Cadde oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi ? Maxay Somaliland u difaaci wayday, haddii ay cadhoodeen oo khaatumo la baxeen. Waa in la difaacaa ama aan la sheegan oo waa Somaliland la odhan. Marka Maamul ku soo duulana waa arin gaara ee waa inaan la eegan ee la difaaco dadkaasi oo wax la taro?
La taliyaha Siyaadda ee Goboladda Barri waxa uu intaasi sii raaciyay ? haddii meelaha kale wax ka dhacaan Gurmadka Ordaya waad yaabaysaa. Saylac ayaa Nin lagu dilayaa Kharashka iyo lacagta ku baxda waa la yaabayaa,markaa tan miyaa la daawanayaa oo waxa la odhanayaa Dhulbahante ayaa islaynaya ama dhulbahante iyo Majeerteen ayaa islaynaya. Dhubahante iyo Majeerteen oo islaynaya ayaa Dawladda iyo Isaaqba Istareex ku yihiin Miyaa.? ayuu yidhi Fu?aad Aadan Cadde.
Hadalka Fu?aad Aadan Cadde ayaa ka dambeeyay Dagaalo Saddexdii Cisho ee ugu dambeeyay laga soo sheegayay degaanada Taleex ee Maamulka Khaatumo Xarunta u ah. Madaxweyne Xigeenka Punland oo dhawaan Taleex ka tagay ayaa la shalay Dib ugu soo laabtay ka dib markii doraad Dagaal u dhexeeyay Maleeshiyada Khaatumo oo halkaasi shirk u lahayd iyo Ciidan la sheegay inuu Puntland ka tirsan yahay.