Qeybo badan oo kamid ah Ardeyda Dugsiga H/Dhexe ee Magaalada Kalabeydh ayaa saaka banaanbax balaadhan oo ay kaga jawaabayaan duruufaha
ku gedaaman Kalabeydh iyo cabashada Ardeyda ee Macalimiin la,aantu ku habsatey isugu soo baxey jidka badhtamaha ee kala qeybiya Wadooyinka Boorame iyo Tog-Wajaale ee Gudaha Magaaladaasi.
Mid kamid ah Hooyooyinka Magaalada Kalabeydh oo banaanbaxan uga warantey Warbaahinta ayaa Sheegtey in aanay Dadweynaha Ku nool Magaalada Kalabeydh ee kamidka ah ilaha dakhliga Somaliland kasoo gala aanay kala garaneynin Bulshada ku dhaqani in ay kamid tahey dalka Somaliland iyo in ay qeyb ka tahey Dalka Itoobiya.
“Hadaanu nahey dadweynaha Reer Kalabeydh makala garaneyno inaanu Itoobiya nahey iyo inaanu dalkayagii Somaliland kamid nahey, waayo wax alaale iyo wax adeeg bulsho ah oo halkan kajiraa majiro,waxaanu ka baqeynaa inuu naga dilaaco cuduro iyo daacuun, wax dowlada nagaga soo noqdaana majiraan, oo daaca anagaaba cashuur nalaga qaadaa waagii beryaba wax juwan ah oo nalasiiyaana majirto”Sidaa waxa tidhi Hooyo Xukun oo kamid ah Haweenka degan Magaalada Kalabeydh.
Waxaanay intaa ku dartey hadalkeeda in aanay waxba ugu fileyn hantida ay ku leedahay Magaalada Kalabeydh maadaama aanay dadweynahaasi marnaba helin Adeegyada aasaasiga u ah bulshada.
Sidoo kalena waxa halkaa ka hadley qaar kamid ah Ardeyda kunool Magaalada Kalabeydh ee iyagu alifey mudaharaadkan kuwaas, oo dhamaantood cabasho ka muujiyay macalim la,aan ay ku qabaan Dugsiyada Kalabeydh, iyagoo qaarkood carabka ku dhuftey in magaalada khaati bilaahi ka joogto caagado laga soo qubo kastamka cashuuraha qaadka haseyeeshee, aanay waxba ku qabin magaalada kalabeydh dakhliga uga soo xerooda Xukuumada dhexe, ee boqolaalka milyan ee shilinka somaliland ah maalin walba.
Sikastaba ha haatee Dadweynaha Reer Kalabeydh ayaa indhawaale siweyn uga hadlayay in Magaalada Kalabeydh dulmi badan ka tirsaneyso Xukuumada Madexweyne Siilaanyo iyo Maamulka Degmada iyo Gobolka Gabiley, kuwaas oo aan habayraatee u hagar bixin dhibaatooyinka iyo duruufaha kajira deegaanka ee dhinacyada adeegyada aasaasiga ah u ah nolosha aadamaha oo ay ka aradan tahey Kalabeydh dhinaca Caafimaadka iyo Waxbarashadaba.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane